<

Home » Falanqeyn » HORDHACA: Southampton v Arsenal- Gunners oo bilaaban Doonto Olole Afar Kulan ah oo uu ka maqan yahay Macalin Wenger

HORDHACA: Southampton v Arsenal- Gunners oo bilaaban Doonto Olole Afar Kulan ah oo uu ka maqan yahay Macalin Wenger

Arsenal ayaa raadin doonta inay sii wadato rajadooda ah in ay ku guuleystaan tartanka FA Cup markii saddexaad afartii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay marka ay wajahaan caawa kooxda Southampton kulan ka dhacaya St Mary saacada Soomaliya marka ay tahay (8.30).

Gunners ayaa gaartay 19 finalka oo FA Cup, waxaana rikoorkaas ay si wadajir ah ula wadagaan kooxda Manchester United.

Sidookale Gunners ayaa badiyay 16 ka mid ah 17 kulan ee ugu danbeyay tartankaan ay kasoo muuqdeen.

kooxda Southampton, oo gaartay finalka EFL Cup Arbacadii ka dib markii ay 2-0 wadar ahaan labada lug ku garaacday Liverpool ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, iyagoo aan wax gool laga dhalin.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOX

Southampton ayaa waxaa ka maqnaan doona Virgil van Dijk, James Ward-Prowse iyo Jay Rodriguez kulankaan ay soo dhaweynayaan kooxda Arsenal.

Van Dijk, waxaa soo gaaray dhaawac canqowga ah kulankii Axadii lasoo dhaafay kooxdiisa ay ciyaartay, waxaa loo badinayaa inuu muddo dheer maqnaado kadib markii uu seegay kulankii EFL Cup Saints ‘kaga badisay Liverpool, halka weeraryahanka Rodriguez uu soo gaaray dhaawac canqowga ah kulankii ugu dambeeyay eee ka dhacay Anfield waxaana lagu qasbay inuu garoonka ka baxo qeybtii labaad ee ciyaarta.

Ward-Prowse ayaa sidoo kale dhibaato ay soo garatay, halka Daafaca Florin Gardos uu ku dhawyahay inuu kusoo laabto garoomada ka dib markii qeyb kamid ah tababarka kooxda uu qaatay.

Charlie Austin, Jeremy Pied, Matt Targett, Alex McCarthy iyo Sofiane Boufal ayaa dhamaantood dhaawac kooxda kaga maqan.

Arsenal ayaa soo dhaweyn doonta soo laabashada Theo Walcott oo si taam ah kooxda ugu soo laaabtay.

Xiddiga reer England ayaa la dhibtoonayay dhaawac kubka ah, laakiinse haatan taam ayuu u yahay inuu noqon xulshada koowaad, halka Per Mertesacker (jilib) iyo Mathieu Debuchy (muruqa) ay wali ka maqan yihiin Gunners.

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayay u badan tahay inuu nasiyo, laba ama saddex ciyaaryahan oo muhiim ah, laakiin Granit Xhaka iyo macalin Wenger oo ganaax afar kulan ah u bilaabanayo ayaa maqan ciyaartaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKAAAN

Southampton ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay garaacda Arsenal labada koob gudaha ah hal xilli ciyaareed tan iyo Manchester United oo sidaas sameysay 1982/83.

Southampton ayaa shabaqa ilaashatay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen kooxda Arsenal tartamada oo dhan.

Gunners ayaa badisay shant kulan oo isku xiga FA Cup, waligood kuma guuleysan lix isku xigta taariikhda tartanka.

Kani waa kulankii FA Cup ugu horeeyay ee u dhaxeeya Arsenal iyo Southampton tan iyo 2003 oo ay ku kulmeen Finalka, markaasoo Gunners ku badisay 1-0 iyadoo goolka uu dhaliyay Robert Pires.

Southampton weligeedna kama aysan adkaan kooxda Arsenal kulanka FA Cup ah tan iyo (semi-finalkii 1926/27.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/hordhaca-southampton-v-arsenal-gunners-oo-bilaaban-doonto-olole-afar-kulan-ah-oo-uu-ka-maqan-yahay-macalin-wenger/">HORDHACA: Southampton v Arsenal- Gunners oo bilaaban Doonto Olole Afar Kulan ah oo uu ka maqan yahay Macalin Wenger</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *