<

Home » Falanqeyn » HORDHACA: Crystal Palace v Man City- Vincent Kompany iyo Gabriel Jesus oo kusoo bilaabaan doona

HORDHACA: Crystal Palace v Man City- Vincent Kompany iyo Gabriel Jesus oo kusoo bilaabaan doona

Crystal Palace ayaa eegi doonta in ay hesho xilli ciyaareed sax ah marka ay marti gelineyso kooxda Manchester City wareega afaraad ee FA Cup ciyaar soo galeysa dhanka soomaliya marka ay tahay maanta (06:00 Pm)

Kooxda Sam Allardyce ayaa badiyay kaliya mid kamid ah 10kii kulan ee ugu danbeyay tartamada oo dhan, markaasoo Bolton wareega saddexaad ee FA Cup garoonkooda ay kaga badiyeen.

Palace ayaa hal kulan kaliya shabaqa ilaashatay 27 kulan ee ugu dambeyay Premier League, shaki la’aan waa kooxda ugu difaaca xun Ingiriiska waqtigaan.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOX

Palace waxaa wali ka maqan Wilfried Zaha iyo Bakary Saakow oo ciyaaraha African Cup of Nations ku maqan

tababare Allardyce ayaa sidookale waxaa ka maqan Scott Dann iyo Julian Speroni kuwoo dhaawac ku maqan.

Fraizer Campbell iyo Steve Mandanda ayaa ku soo laabtay tababarka, laakiin Pape Souare (lugta ka jabay) Connor Wickham iyo Jonathan Benteke (labada jilib) ayaa weli dhaawac muddo dheer ah ku maqan.

Vincent Kompany iyo Gabriel Jesus ayaa maquul ay tahay in ay kusoo bilaawdaan kulankaan kooxda Manchester City.

Kompany ayaa kasoo kabsaday dhaawac jilibka ah oo uu la maqnaa labadii bilood ee la soo dhaafay, halka weeraryahanka Jesus line-upka markii ugu horeysay uu kasoo muuqan karo.

Goolhayaha dooqa labaad ee City Willy Caballero ayaaa ciyaari doona iyadoo la nasin doono Claudio Bravo , laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fernandinho ayaa weli dhameystiranaya ganaax afar kulan ah.

XAQIIQOOYINKA KULANKAAN

Tani waxay noqon doontaa markii afaraad oo ay Crystal Palace iyo Manchester City ku kulmayaan koobka FA Cup. Eagles ayaa ku guuleysatay mid kamid ah kulamadaas kaasoo dhacay 1921.

Manchester City ayaa u gudubtay 10 ka mid ah 12 jeer oo xiriir ah oo ay soo istaageen wareega afaraad, iyadoo laga badiyay kaliya kulankii Sheffield United oo dhacay 2007/08 iyo kii Middlesbrough 2014/15.

City ayaa badisay 11 ka mid ah 12kii kulan ee ugu danbeyay oo ay wajaheen Crystal Palace tartamada oo dhan, laakiin kulanka kale ayaa laga badiyay kaasoo dhacay bishii April 2015.

Christian Benteke ayaa labo gool ka dhaliyay wareega seddexaad kulankii uu ku wajahay kooxda Bolton, waxa uu soo afjaray 10-kii kulan ee ugu dambeeyay tartankaan oo aanu wax gool ah ka dhalin.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/hordhaca-crystal-palace-v-man-city-vincent-kompany-iyo-gabriel-jesus-oo-kusoo-bilaabaan-doona/">HORDHACA: Crystal Palace v Man City- Vincent Kompany iyo Gabriel Jesus oo kusoo bilaabaan doona</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *