<

Home » Falanqeyn » HORDHACA: Chelsea v Brentford- Kulanka Galbeedka London Derby oo ka dhacaya Garoonka Stamford Bridge

HORDHACA: Chelsea v Brentford- Kulanka Galbeedka London Derby oo ka dhacaya Garoonka Stamford Bridge

Chelsea ayaa isku dayi doonta inay sii wadato ololaha ay ugu jirto laba tartan oo gudaha ah marka ay mari gelin doonto kooxda Brentford wareega afaraad ee FA Cup maanta ciyaar soo geli doonta waqtiga soomaliya (06:00 PM)

Antonio Conte ayaa sideed dhibcood oo nadiif ah kaga sareeya Arsenal hogaanka Premier League waxaana uu cagta mariyay kooxda Peterborough wareega hore ee tartankaan.

Kooxda galbeedka London la dhisan ee Brentford, ayaa kulan u muuqda xafiiltan ciyaari doonta laakiin Bules lagama badin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaareen garoonka Stamford Bridge.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOX

Conte ayay u badan tahay inuu isku shaandheyn doono kooxdiisa ka hor labada kulan ee muhiim ah oo uu ku wajahayo Premier League Liverpool iyo Arsenal.

Cesc Fabregas, Kurt Zouma, Willian, Michy Batshuayi iyo Nathaniel Chalobah ayaa dhamaantood la filayaa inay ciyaaraan.

Daafaca Gary Cahill ayaa laga yaabaa inuu seego kulankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkaan iyadoo Conte uu u arko inuu u baahan yahay nasasiino daafaca dhexe.

Tababaraha kooxda Brentford Dean Smith ayaa sheegay in weeraryahanka 14-gool dhaliyay eee Scott Hogan diyaar u yahay doorashada kulankaan, inkastoo ay xiiso u qabto kooxda West Ham, laakiin waxa uu seegay labadii kulan ee ugu danbeyay kooxdiisa sabab suuqa la xiriirta.

XAQIIQADA KULANKAAN

Chelsea ayaa laga reebay oo kaliya labo jeer 20 kulan ee ugu danbeyay wareega afaraad ee FA Cup ay ciyaartay (Everton ayaa 2011 ka reebtay halka marka kale ay soo reeebtay Bradford City 2015).

Pedro ayaa dhaliyay labo gool isagoo caawiyey mid kale kulankii Chelsea 4-1 kaga badisay Peterborough wareega saddexaad ee tartankan.

Tom Field ayaa dhaliyay labo gool markii Brentford wareega seddaxaad 5-1 kaga badiyeen kooxda aanan ciyaarin wax Horyaalka ah ee Eastleigh. dhamaan shan gool ayaa la iska dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Brentford Guushii ugu danbeysay ee ay ka garaan Chelsea ayaa timid February 1939 kamana badin tan iyo waqtigaas tartamada oo dhan.

Chelsea ayaa badisay 13 ka mid ah 14 ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana laga badiyay kaliya hal kulan markaasoo Spurs ay garaaceeen horaantii bishaan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/hordhaca-chelsea-v-brentford-kulanka-xafiiltamaan-west-london-derby-oo-ka-dhacaya-garoonka-stamford-bridge/">HORDHACA: Chelsea v Brentford- Kulanka Galbeedka London Derby oo ka dhacaya Garoonka Stamford Bridge</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *