<

Home » Falanqeyn » HORDHAC: Eibar Vs Barcelona – MSN oo cadaadis saari kara Real Madrid, 8 Qodob oo kulankan laga qoray & Shaxda Macquulka ah

HORDHAC: Eibar Vs Barcelona – MSN oo cadaadis saari kara Real Madrid, 8 Qodob oo kulankan laga qoray & Shaxda Macquulka ah

Koxoda Barcelona ayaa dooneysa iney cadaadis saarto kooxda hogaanka haysa ee Real Madrid kulanka ay la ciyaareyso naadiga Eibar.

Wiilasha macalin Enrique ayaa isku diyaarinaya kulankan iyagoo og in Real Madrid ay 2-1 kaga soo badiiyeen kooxda Malaga sidaasna ay afar dhibcood oo waliba kulan uu udhiman yahay ugu sareeyaan.

Si kastaba, MSN ayaa kulankan  kasoo wada muuqan kara iyagoo doonaya iney sii wadaan bandhigooda dhanka goolasha.

Kulanka: Eibar Vs Barcelona
Saacada: 10:45 Xiliga geeska Afrika

maxresdefault-2

Maxaa ka cusub  Barcelona: Kooxda Blaugrana ayaa kulankan weyn doonta Javier Mascherano oo kaarkiisii ugu danbeeyay qaatay kulankii Las Palmas waxaa sidoo kale dhaawac ku maqnaan doona kabtan Iniesta iyo Rafinha

Maxaa ka cusub Eibar: Tababaraha Eibar  Jose Luis Mendilibar ayaa kulankan waxaa ka maqnaanaya Kike iyo Ivan Ramis oo dhaawac ah laakiin waxaa shaki uu ku jiraa inuu kulankan safan karo Anaitz Arbilla.

XOGTII KULANKAN LAGA DIIWAAN GELIYAY

  • Kooxda Eibar ayaanan badin labadeedii kulan ee ugu danbeysay ee garoonkeeda ay ku ciyaartay waligeedse sedex kualn oo isku xigta sidaas kuma dhicin ilaa April 2016.
  • Barcelona ayaa guuleysatay dhamaan afartii kulan ee ugu danbeeyay ee ay la ciyaartay Eibar, isku cel cellis ahaana kulan walba sedex gool ayay ka dhaliyeen wax gool ahna lagama dhalin.
  • Barcelona ayaa laga badiyay labo kulan afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka hortageen kooxda macalin Basque.
  • Barcelona ayaa shabaqa soo taabatay kulan walba oo kamid ah 12kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay banaanka kusoo ciyartay iyadoo dhalisay 37 gool.
  • Luis Suárez ayaa dhaliyay afar gool shantiisii kulan e ugu danbeysay horyaalka La LIGA.
  • Lionel Messi ayaa afartii kulan ee ugu danbeysay shan gool dhaliyay weeraryahankan rer Argentin ayaanse dhalin shan ama goolal ka badan oo isku xigta tan iyo  May 2015 markaas oo uu lix kulan oo xariir ah lix gool dhaliyay.
  • Sidoo kale wiilkan Messi ayaa dhalliyay sedexdii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka hortagay  Eibar horyaalka La Liga  shan gool.
  • Kubad sameeyaha Eibar Pedro León ayaa karoosyada ugu badan ee xili ciyaareedkan sameeyay horyaalka La Liga waana 154.

Shaxda Macquulka ah ee: Marc Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Samuel Umtiti, Jordi Alba; Sergio Busquets, Andre Gomes, Ivan Rakitic; Lionel Messi, Luis Suarez,  Neymar

Shxda Macquulka ah ee Eibar: Asier Riesgo; Ander Capa, Florian Lejeune, Mauro dos Santos, Antonio Luna; Gonzalo Escalante, Dani Garcia; Pedro Leon, Adrian Gonzalez, Takashi Inui; Sergi Enrich

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/hordhac-eibar-vs-barcelona-msn-oo-cadaadis-saari-kara-real-madrid-8-qodob-oo-kulankan-laga-qoray-shaxda-macquulka-ah/">HORDHAC: Eibar Vs Barcelona – MSN oo cadaadis saari kara Real Madrid, 8 Qodob oo kulankan laga qoray & Shaxda Macquulka ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *