<

Home » Horyaalada » Premier League » HESHIISYO GALABTA DHACAY: Bojan oo ku biiray Germani, West Ham oo Payet fasaxday & Southampton oo la wareegtay weeraryahan halis ah

HESHIISYO GALABTA DHACAY: Bojan oo ku biiray Germani, West Ham oo Payet fasaxday & Southampton oo la wareegtay weeraryahan halis ah

Kooxda West Ham ayaa ogolaatay iney ka iibiso Dimitri Payet kooxda Marseille qiimo dhan £25m, sidaas waxaa sheegaya Sky Sports

Payet ayaa usafraya France si uu halkaas tijaabo caafimaad ugu maro si uu ugu laabto kooxdiisii hore kadib 18 bilood oo uu joogay Ingiriiska

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Ingiriiska ka dhisan ay ugu danbeyn aqbashay iney £25m ku iibiso xidigan heerka caalami.

 skysports-dimitri-payet-west-ham_3872694

Weeraryahanka Stoke Bojan oo ku biiray kooxda Mainz heshiis amaah ah.

26-jirkaan kamid ahaa wax soo saarkii Barcelona ayaa ugu danbeyn ku biiray naadiga Mainz ee horyaalka Germani

Si kastaba xidigan ayaa ka tagay naadigiisa oo uu ku sugnaa ilaa2014-tii waxaana bixitaankiisa ay kusoo aadeysaa markii uu Saido Berahino kooxdaas kaga soo biiray dhanWest Brom.

Bojan ayaa usheegay website-ka Mainz: “Sharaf weyn ayay ii tahay inaan fursad ka helo kooxdaMainz 05 si aan ucadeeyo nolosheyda”stoke-city-forward-bojan-krkic_3791667
Southampton oo ku dhow saxiixa xidig katirsan Napoli

Weeraryahanka Manolo Gabbiadini ayaa dhameystiraya heshiiska uu uga tagao kooxdiisa Napoli isla markaana uu ugu biirayo naadiga England ka dhisan ee Southampton

Saxaafada Talyaaniga ayaa sheegeysa in weeraryahankan uu €17m oo lagu darayo €3.5m ay kooxda Southampton kula wareegeyso ciyaaryahankan.

gabbiadini-chievo-wargh1609epa_7
Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/heshiisyo-galabta-dhacay-bojan-oo-ku-biiray-germani-west-ham-oo-payet-fasaxday-southampton-oo-la-wareegtay-weeraryahan-halis-ah/">HESHIISYO GALABTA DHACAY: Bojan oo ku biiray Germani, West Ham oo Payet fasaxday & Southampton oo la wareegtay weeraryahan halis ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *