<

Home » Horyaalada » Premier League » HESHIIS SOO DHAMAADAY: Kooxda Man United oo Heshiis 35 Milyan ah la gaartay daafac Halis ah oo katirsan Benfica

HESHIIS SOO DHAMAADAY: Kooxda Man United oo Heshiis 35 Milyan ah la gaartay daafac Halis ah oo katirsan Benfica

Kooxda Manchester United ayaa heshiis ku kacaya £35million la meel dhigtay daafaca halista ah ee Nelson Semedo .

Daafaca midig ee kooxda Benfica ayaa kamid ah da’yarta ugu wanaagsan dhanka daafaca, macalin Jose Mourinho ayaana la xaqiijiyay inuu xili hore xaliyay heshiiskiisa.

Wargeyks Portugal ee Noticias Ao Minuto ayaa sheegaya in United ay Semedo geyn doonto Old Trafford marka uu dhamaado xili ciyaareedkan kadib markii ay kooxdaas kala heshiiyeen bishii lasoo dhaafay ee January.

Mourinho ayaa aad ugu baahnaa inuu ciyaaryahanadiisa kusoo daro Semedo kahor inta uusan bilaaban horyaalkan, hase ahaatee waxaa ay haatan udagaalamayaan inuu adkeeyo shaxdiisa xagaaga danbe

jose-mourinho-victor-lindelof-nelson-semedo-main

Man United ayaa weysay saxiixa Goncalo Guedes kaas oo ku biiray Paris Saint-Germain, waxaase wali la fahansan yahay iney la heshiiyeen Griezmann iyo Nelson Semedo.

Naadiga Benfica ayaana u ogolaatay Semedo inuu bisha  July ka tago kooxdaas isla markaana uu United ugu biiro lacag dhan £35m.

Semedo ayaa hadii uu yimaado United waxaa ay taas so gaba gabeyn dontaa joogitaankii kooxda ee daafaca reer Italy Matteo Darmian.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/heshiis-soo-dhamaaday-kooxda-man-united-oo-heshiis-35-milyan-ah-la-gaartay-daafac-halis-ah-oo-katirsan-benfica/">HESHIIS SOO DHAMAADAY: Kooxda Man United oo Heshiis 35 Milyan ah la gaartay daafac Halis ah oo katirsan Benfica</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *