<

Home » Horyaalada » Premier League » “Harry Kane waxa uu difaan doonaa gool dhalinta Horyaalka Egland 10 sano ee soo socota, haddii uu sii joogo Tottenham”, Harry Redknapp oo taageere u muujiyay weeraryahanka Spurs

“Harry Kane waxa uu difaan doonaa gool dhalinta Horyaalka Egland 10 sano ee soo socota, haddii uu sii joogo Tottenham”, Harry Redknapp oo taageere u muujiyay weeraryahanka Spurs

Harry Redknapp ayaa kalsooni ku qaba in Harry Kane uu caddayn doonaa guusha weyn oo ay kooxdiisa Tottenham Hotspur gaareyso.

Xiddiga heerka caalami ee Qaranka England ayaa qaab ciyaareed wanaagsan, kusoo bandhigaya kooxda waqooyiga London ka dhisan xilli ciyaareedkan 2016-17, inkastoo uu dhaawac canqawga ah ku seegay qeyb kamida  xilli ciyaareedkaan.

Kane ayaa dhaliyay 14 gool 17 kulan oo xilli ciyaareedkan Premier League-ga u saftay naadigiisa, kaliya waxaa ka badan weeraryahanada Chelsea Diego Costa iyo Arsenal weeraryahankeeda Alexis Sanchez, waxa ayna dhaliyeen n kabadan xiddiga Tottenham.

23-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 25 gool oo Premier League-ga ah, kadib 37 kulan, oo uu saftay, waxa uuna ku hogaamiyay Spurs inay ku dhameysato booska sadexaad ee kala sareynta Horyaalka Egland.

kadib markii ay Tottenham 2-2 la galeen Manchester City habeenkii sabtida, Redknapp, oo la hadlayay BT Sport ayaa yiri:- “Waxaan taageere weyn u ahay Harry Kane, Isaga wuxuu uu ilaashan doonaa gool dhalinta 10 sano ee soo socta”.

Harry Kane kooxdiisa Tottenham ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee kala sareynta Premier League iyadoona sagaal dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha Chelsea kadib markii Blues ay 2-0 uga badisay Hull City kulankii ugu danbeeyay.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/harry-kane-waxa-uu-difaan-doonaa-gool-dhalinta-horyaalka-egland-10-sano-ee-soo-socota-haddii-uu-sii-joogo-tottenham-harry-redknapp-oo-taageere-u-muujiyay-weeraryahanka-spurs/">“Harry Kane waxa uu difaan doonaa gool dhalinta Horyaalka Egland 10 sano ee soo socota, haddii uu sii joogo Tottenham”, Harry Redknapp oo taageere u muujiyay weeraryahanka Spurs</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *