<

Home » Horyaalada » Premier League » Halyeygii hore ee qaranka Egland Frank Lampard oo laga yaabo inuu kusoo laabto horyaalka Ingiriiska, hadaba waa tuma kooxda damacsan inay dib usoo celiso laacibkan

Halyeygii hore ee qaranka Egland Frank Lampard oo laga yaabo inuu kusoo laabto horyaalka Ingiriiska, hadaba waa tuma kooxda damacsan inay dib usoo celiso laacibkan

Halyeygii hore ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa lagu xamanayay inuu dib ugu soo laaban doono horyaalka Egland, kooxda Swansea City, ayaana dooneysa inay u dhaqaaqdo inay lasoo wareegto Lampard, kahor inta uusan go’aansan laacibkaan inuu ka fariisto ciyaaraha, sida uu sheegay Paul Clement.

Xiddigii hore ee qaranka England oo 38-sano jir ah ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo ciyaaraha kubada cagta. Inkastoo uu sheegayo inuu helayo dalabyo dhowr ah si uu ugu ciyaaro dibada iyo gudaha dalka Egland. Waxaana haatan dalabyada ugu xoogan kasoo gaarayaan kooxda Swansea.

“waan wada sheekeesanay”, ayuu yiri tababaraha kooxda Swans Clement. “Waxaan qabaa inaan Frank u wacay isaga inaan u mahadnaqo, xeriir keena awgiis. Waxaana na dhexmaray  sheeko”.

“Awooda Frank ciyaaryahan ahaan waanu wada ognahay wax walboo ku saabsan. Laakiin sidoo kale waa hoggaamiye wanaagsan dabeecadna leh, waana xirfadle fantastik ah (Cajiib ah)”.

Frank Lampard ayaana lagu xasuustaa inuu Chelsea la qaaday koobab aad u fara badan Premier League ayuu ku guuleystay sanadihii 2005, 2006, 2010, waxa uuna FA Cup-ka qaaday sanadihii 2007, 2009, 2010, 2012, isagoona hantay League Cup-ka laba jeer 2005, iyo 2007-dii, koobka kooxaha qaarada Yurub ee Champions League ayuu luxay hala mar sanadii 2012-kii, ugu danbeyntii waxa uu ku guleystay Koobka Europa League hal mar waxa ayna ahayd sanadii 2013.

Clement ayaana la xasuustaa inuu lasoo shaqeeyay Lampard intii uu ka ahaa caawiye tababare garoonka Stamford Bridge.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/halyeygii-hore-ee-qaranka-egland-frank-lampard-oo-laga-yaabo-inuu-kusoo-laabto-horyaalka-ingiriiska-hadaba-waa-tuma-kooxda-damacsan-inay-dib-usoo-celiso-laacibkan/">Halyeygii hore ee qaranka Egland Frank Lampard oo laga yaabo inuu kusoo laabto horyaalka Ingiriiska, hadaba waa tuma kooxda damacsan inay dib usoo celiso laacibkan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *