<

Home » Horyaalada » Premier League » Halyeeyga reer Brazil Roberto Carlos oo Aaminsan In Gabriel Jesus Noqon Karo Hogaamiyaha Cusub Ee Manchester City

Halyeeyga reer Brazil Roberto Carlos oo Aaminsan In Gabriel Jesus Noqon Karo Hogaamiyaha Cusub Ee Manchester City

Halyeeyga reer Brazil Roberto Carlos ayaa ku taageeray ninka ay isku wadanka yihiin ee Gabriel Jesus inuu noqdo xiddig ugu fiican kooxda Manchester City.

19-sano jirkaan ayaa kulankiisii ugu horeyay ee Premier League sabtidii wajahay kooxda Tottenham, markaasoo uu kasoo kacay kursiga keydka kadib markii uu dhameystiray heshiska uu kooxda Pep Guardiola kaga soo wareegay dhanka kooxda Palmeiras.

City ayaa lacag lagu sheegay £27 milyan waxay kula soo wareegtay weeraryahanka caalamiga ah ee Brazil, ikaasoo durba dhaliyay afar gool tan iyo markii loogu yeeray qaranka bishii September ee sanadkii 2016.

Ninkii hore ugu guuleystay koobka adduunka Roberto Carlos ayaa aaminsan in Jesus guulo la taaban karo uu ka sameyn doono kooxda City iyo guud ahaan Horyaalka England.

“Gabriel wuxuu noqon doonaa mid aad muhiim ugu ah kooxda Manchester City kaliya wuxuu u baahan yahay waqti uu kula qabsado kooxda,” ayuu 43-jirkaan u sheegay Sky Sports.

“Waxaan ka codsan lahaa dadka in aysan saarin cadaadis badan isaga wuxuu usoo muuqaan doonaa ciyaaryahan sare sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu yiri Carlos.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/halyeeyga-reer-brazil-roberto-carlos-oo-aaminsan-in-gabriel-jesus-noqon-karo-hogaamiyaha-cusub-ee-manchester-city/">Halyeeyga reer Brazil Roberto Carlos oo Aaminsan In Gabriel Jesus Noqon Karo Hogaamiyaha Cusub Ee Manchester City</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *