<

Home » Horyaalada » Premier League » Halyeeyga Arsenal Kanu oo Aaminsan In Arsenal ku Guuleysan karto Premier League HADDII ay Ceshato Alexis Sanchez & Mesut Ozi

Halyeeyga Arsenal Kanu oo Aaminsan In Arsenal ku Guuleysan karto Premier League HADDII ay Ceshato Alexis Sanchez & Mesut Ozi

Nwankwo Kanu ayaa aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan karto Premier League xilli ciyaareedkan … HADDII ay ceshato Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Weeraryahanka oo ay jecelyihiin taageerayaasha Gunners ayaa shan sanadood la joogay kooxda Waqooyiga London ka dhisan kadib markii uu lasoo saxiixday macalin Arsene Wenger.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay SunSport, ayuu kaga hadlay in kooxda kaalinta labaad hadda kujirto ay qaadi karto Horyaalka markii ugu horeeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2004, inkastoo sideed dhibcood laga horeeyo.

Laakiin wuxuu taas ku xiran kaliya in koxda heshiis la gaarto Sanchez iyo Ozil, kuwaasoo hakad geliuyay wadahadalo ay qandaraaska ugu kordhiyaan kooxdooda.

Waxa uu yiri: “” Waa muhiim in aad ilaalshato ciyaartoyda ugu fiican haddii aad rabto in aad hore usocto -waxaan jira ciyaaryahano waa weyn oo kooxda waxwalba u suurta gelin kara ayuu hadalkiisa ku daray Kanu.

Sanchez iyo Ozil ayaa dalbanaya mushaar sare si ay usii joogaan kooxda Arsenal, inkastoo dalabyo waali ah ay ka helayaan Horyaalka Chine Super League.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/halyeeyga-arsenal-kanu-oo-aaminsan-in-arsenal-ku-guuleysan-karto-premier-league-haddii-ay-ceshato-alexis-sanchez-mesut-ozi/">Halyeeyga Arsenal Kanu oo Aaminsan In Arsenal ku Guuleysan karto Premier League HADDII ay Ceshato Alexis Sanchez & Mesut Ozi</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *