<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Halyaygii Kooxda Real Madrid Iker Casillas oo fariin usoo diray C.Ronaldo oo a taageerayaasha ku ooriyeen

Halyaygii Kooxda Real Madrid Iker Casillas oo fariin usoo diray C.Ronaldo oo a taageerayaasha ku ooriyeen

Goolhaye Iker Casillas ayaa dhaleeceeyay taageerayaasha kooxda Real Madrid kuwaas oo si xun ula dhaqmay Cristiano Ronaldo.

Inkastoo ciyaaryahankan ugu goolasha badan Real ee Ronaldo  uu hadalo adag ugu jawaabay taageerayaashii ku fooriyay hadana Casillas ayaa sheegay in taas waali ay aheyd.

“Arimahan ayaa ka dhacaya garoonka, Cristiano wax badan ayuu iibiyay, si lamid ah sida Messi waa xidiga ugu wanaagsan aduunka, taasna waa masuuliyad”ayuu yiri Casillas.

“gudaha Madrid, xiliyada qaar ma dareemeysid  sababta ay arimahaan oo kale udhacaan lix bilood kahor Madrid waxaa ay aheyd kooxdii Champions League-ka qaaday, bil kahorna waxaa ay qaadeen koobka kooxaha aduunka, koobabkaas ayaana isaga ku hogaamiyay xidiga ugu wanaagsan aduunka, waxaana kooxda ka tagay Rafa Benitez|ayuu hadalkiisa ku daray Casillas.

“Hadii uu labo ama sedex gool dhaliyo, taas waa waxii uu ku fakarayay inuu sameyo, waa inaad caawisaa,  -halkii ay dadka kooxda ku hareereysan iyo kooxda ay caawin lahaayeen ayna difaaci lahaayeen ciyaaryahanada, waa waali in lagu ooriyo,.”

Casillas ayaa dhanka kale sheegay in xidigan uu wali isku dayayo inuu sii ahaado xidiga ugu wanaagsan aduunka.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/halyaygii-kooxda-real-madrid-iker-casillas-oo-fariin-usoo-diray-c-ronaldo-oo-a-taageerayaasha-ku-ooriyeen/">Halyaygii Kooxda Real Madrid Iker Casillas oo fariin usoo diray C.Ronaldo oo a taageerayaasha ku ooriyeen</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *