<

Home » Horyaalada » Premier League » MR ROOSE: Granit Xhaka oo Sagaal Casaan Ah Loo Tagay Sadex Sanno Gudahood- Waase Kuwee Xiddigaha Roosaha Ugu Badan Qaatay Labadii Xili Ciyaareed Ee Laasoo Dhaafay?

MR ROOSE: Granit Xhaka oo Sagaal Casaan Ah Loo Tagay Sadex Sanno Gudahood- Waase Kuwee Xiddigaha Roosaha Ugu Badan Qaatay Labadii Xili Ciyaareed Ee Laasoo Dhaafay?

Granit Xhaka ayaa loo taagay kaarka kale oo guduudan kulankii Arsenal ay ku wajahday Burnley garoonka Emirates shalay, waxaana sidaas uu ku noqday ninka ugu saaraya guud ahaan shanta horyaal ee waa weyn ee Yurub tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Swiss ayaa yimid garoonka Emirates xili ciyaareedkaan, laakiin waxa uu qaatay seddex kaar oo hurdi ah iyo laba casaan tartamada oo dhan, isagoo guud saddexdii sano ee la soo dhaafay sagaal jeer laga saaray garoonka.

Ciyaaryahanka ayaa sabab u noqday in ay dhibtooto kooxdiisa mar kale ka dib markii uu labada lugood ku raacay Steven Defour bartamihii qeybta labaad ee ciyaarta.

casaanka, Xhaka ayaa dhiiro gelin badan siiyay ciyaartoyda Burnley kuwaasoo helay rigoore daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta.

Garsoore Jon Moss ayaase markale ciyarata isagoo rigoore ku abaalmariyay kooxda Arsenal.

Tababare Arsene Wenger oo wax laga weydiiyay casaanka  ciyaaryahanka iyo sida uu ku bilowgii xilli ciyaareedkan waxa uu diiday inuu dhaleeceeyo qaab ciyaareedkiisa.

The 24-year-old (left) has garnered a reputation for ill-discipline in recent years

Ciyaartooyda ugu badan ee qaatay casaan shanta Horyaalka ee Europe ugu sareeya labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ayaa waxaa kujira laba ciyaaryahan oo Arsenal ah.

casaan

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/granit-xhaka-oo-sagaal-casaan-ah-loo-tagay-sadex-sanno-gudahood-waase-kuwee-xiddigaha-roosaha-ugu-badan-qaatay-labadii-xili-ciyaareed-ee-laasoo-dhaafay/">MR ROOSE: Granit Xhaka oo Sagaal Casaan Ah Loo Tagay Sadex Sanno Gudahood- Waase Kuwee Xiddigaha Roosaha Ugu Badan Qaatay Labadii Xili Ciyaareed Ee Laasoo Dhaafay?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *