<

Home » Horyaalada » Premier League » (GOOS GOOS) Man City & Spurs oo Afar Gool iska dhaliyay, Garsooraha oo ka hiiliyay Pep Gaurdiola & Rajadii City oo sii dhimaneysa

(GOOS GOOS) Man City & Spurs oo Afar Gool iska dhaliyay, Garsooraha oo ka hiiliyay Pep Gaurdiola & Rajadii City oo sii dhimaneysa

Tottenham ayaa bar bardhac soo laabasho leh ka gaartay naadiga Man City kadib ciyaar adag oo kusoo dhamaatay 2-2.

Kooxda City ayaa la hormartay labo gool bilowgii qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Tottenham ayaa si lama filaan ah kusoo bar bareysay, inkastoo garsooraha uu rigoorayaal cad ka eexday wiilasha macalin Pep Gaurdiola.

Kooxda Man City ayaa mashquul ka dhigtay goolka kooxda Tottenham kadib markii ay fursado halis aheyd ku heshay bilowgii ciyaarta.

Goolhaye Lloris ayaa bad baadin cajiib ah ka sameeyay fursad uu daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta uu helay Silva, kubada oo soo baxday waxaa isna sii qasaariyay daafaca Otemendi, sidoo kale daqiiqadii 28-aad DE Bruyne ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka udhiibo kooxdiisa laakiin kubada ayaa banaanka ka martay.

Daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta Goolhaye Lloris ayaa mar kale lagu qasbay inuu bad baadin cajiib ka sameeyo fursad halis aheyd oo uu helay Aguero, isla daqiiqadaas Aguero ayaa fursad kale oo halis ahaa qasaariyay.

mancity2-banner

Garabka Sterling ayaa dhanka kale ku dooday in rigoore laga diiday kadib markii Wanyama uu dhulka dhigay laakiin garsooraha ayaa diiday, iyadoo la arkayay tababare Pep Guardiola oo arintaas ka xanaaqsan.

Man City ayaa maamuleysay ciyaarta qeybtii hore, laakiin fursado badan iyo gacan ku heynta kubada qeybtii hore ayaa kusoo dhamaatay gool la\aan bar bardhac ah.

HOOS KA DAAWO GOOS GOOSKA CIYAARTA

Markii dib la isugu soo laabtay kooxda Man City ayaa halkeeda kasii waday bandhigeeda cajiibka ah iyo gacan ku haynta kubada.

MANCHESTER, ENGLAND - JANUARY 21: Leroy Sane of Manchester City (R) celebrates scoring his sides first goal with his Manchester City team mates during the Premier League match between Manchester City and Tottenham Hotspur at the Etihad Stadium on January 21, 2017 in Manchester, England. (Photo by Alex Livesey/Getty Images)

GOAL! MAN CITY 1-0 SPURS (Sane 49)

Kooxda City ayaa hogaanka uqabatay cyaarta kadib markii uu kubad qurux badan dhaliyay xidiga da’da yar ee lorey Sana, goolhaye Lloris ayaa isku dayay inuu kubadaas ka hortago laakiin madaxa ayuu la waayay waxaana si cajiib ah udhaliyay xdiigan reer Germani.

promo309292817

GOAL! MAN CITY 2-0 SPURS (De Bruyne 54)

MUXUU SAMEEYAY Hugo Lloris.waxaa ay aheyd qalad kale oo uu lahaa goolhaya Spurs, Sterling ayaa kubad cajiib ah soo dhex dhigay goosha Tottenham horteeda, goolhayaha reer France ayaase kubada qabsaday laakiin waa ay ka fakatay kadibse waxaa dhaliuay De Bruyne, kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

promo309293104

GOAL! MAN CITY 2-1 SPURS (Alli 58)

WAAW Marnaba ma aheyn gool la filayay – Spurs ayaa kusoo laabatay ciyaarta kadib markii Dell Ali uu madaxa ku dhaliyay gool qurux badan, waxaana uu karoos wanaagsan ka helay Rose, ciyaarta ayaana noqotay 2-1.

promo309293312

RIGOORE? MAYA WAA LA DIIDAY> Garsooraha ayaa yiri maya, Garsooraha ayaa qaatay go’aankan kadib markii daafaca Rose uu taakal xoogan qeybta danbe ah kaga yimid Sterling, laakiin ciiyaarta ayuu socodsiiyay, alla muxuu Pep Gaurdiola qeyliyay.

MAR KALE Rigoore ayaa laga diiday City? Waxaa wax lahubo aheyd in tani ay aheyd rigoore, Sterling ayaa kkubad wanaagsan ciyaaray laakiin isagoo shuud isdhahaya ayaa dhabarka laga riixay, waxaana ay aheyd in roos iyo rigooraba laga dhigo Tottenham.

GOAL! MAN CITY 2-2 SPURS (Son 77)

Oh. Maxaa qabsaday kooxda City, waxaa ay aheyd in rigoore loo dhigo ciyaartana laga saaro Walker, laakiin taas badalkeeda iyada ayaa la ciqaabay, Eriksen ayaa baas wanaagsan la ciiyaaray Kane, waxaana uu si qurux badan ugu gudbiyay Son kaas oo dhinac ka dhigay goolhaye Bravo ciyaartana ka dhigay 2-2

promo309294476

WUU DHALIN TAGAY! Wow. Saxiixa cuusb ee Gabrial Jesus ayaa badal kusoo galay ciyaarta laakiin taabashadiisii koobaad ayaa saameyn yeelatay, karoos uu soo qaaday  De Bruyne ayuu madaxa la helay laakiin birta ayay dul martay.

GOAL?! Maya ma ahan calanwadaha ayaa calanka taagay waa offside. Gabriel Jesus ayaa shabaqa soo taabtay kadib baas uu ka helay De Bruyne, waa uu dabaal dagay laakiin garsooraha ayaa dib ka ogeysiiyay in xaalku saas ka duwan yahay oo uu offside yahay goolkaas.

Kulan Xiiso badan kadib ciyarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2, City ayaana wali ku dhibtoonaya horyaalka Ingiriisak iyadoo labo gool oo gooshooda lagu aadiyay laga dhaliyay, taas oo ka dhigan in labadii gool ee ay la hormareen laga soo aaray.

Macalin Pep ayaase hadal badan ka sheegi doona natiijada kulankan, maadaama garsooraha ciyaarta uu qaladaad badan ka galay kooxdiisa.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/goos-goos-man-city-spurs-oo-afar-gool-iska-dhaliyay-garsooraha-oo-ka-hiiliyay-pep-gaurdiola-rajadii-city-oo-sii-dhimaneysa/">(GOOS GOOS) Man City & Spurs oo Afar Gool iska dhaliyay, Garsooraha oo ka hiiliyay Pep Gaurdiola & Rajadii City oo sii dhimaneysa</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *