<

Home » Falanqeyn » GOAL: Kante & Gabriel Jesus oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca ugu Fiiican Premier League Xili Xiddigaha United Iyo Liverpool la waayay

GOAL: Kante & Gabriel Jesus oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca ugu Fiiican Premier League Xili Xiddigaha United Iyo Liverpool la waayay

Ka dib markii isbuucaan kale oo muhiim ah laga ciyaaray Horyaalka kubada cagta Ingiriiska ee Premier League, shabakadda Goal ayaa soo bandhigtay 11ka ciyaaryahan ee ugu fiican kulamadii la ciyaaray toddobaadka dhaxe ee Horyaalka.

Liiska waxaa kusoo baxay ciyaartooy muhiim ah, halka ay ka maqan yihiin dhamaan ciyaartooyda kooxaha Manchester United iyo Liverpool oo toddobaadkaan barbaro galay.

ELDIN JAKUPOVIC oo katirsan kooxda Hull City ayaa loo doortay goolhayaha kooxda isbuuca, waxa uu lix jeer kubado halis ahaa ka badbaadiyay ciyaratooyda Manchester United kulankii xalay ee Old Trafford kaasoo kusoo dhamaaday barbaro 0-0.

Stephen Ward oo u ciyaara kooxda Burnley ayaa sidookale qeybta daafaca kooxda isbuuca ugu wanaagsan Premier League kujira.

Xiddiga caalamiga ah ee Ireland ayaa qeyb ka ah difaacyada ugu fiican kooxda Burnley waxaana uu wacdaro ka sameeyay kulankii Leicester City isagoo saddexd kubad oo furan ka badbaadiyay weerarka Dabacooyinka.

David Luiz oo isna ka tirsan kooxda Chelsea ayaa liiska daafaca kusoo baxay kooxdan.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay laad xor ah kulankii Liverpool – waxa uu ahaa goolkiisii ugu horeeyay Premier League ee uu u dhaliyo kooxda Chelsea tan iyo April 2013, 1386 maalmood ka hor ayay aheyd.

Scott Dann oo katirsan kooxda Crystal Palace ayaa kujira daafacyada ugu wanaagsan kooxda isbuuca Premier League.

Scott Dann ayaa dhaliyay goolasha ugu badan Premier League marka laga hadlayo daafacyada waana sideed gool.

Antonio Barragan oo u ciyaara kooxda Middlesbrough kaasoo sameeyay sideed taakalo kulankii West Brom ayaa sidookale kujira qeybta daafaca.

Ciyaartooyda khadka dhaxe ee kooxda isbuucaan ugu wanaagsaneyd Premier League ayaa waxaa ugu badan Manchester City oo laba xididg ku leh,

N’GOLO KANTE oo 14 taakalo ka sameeyay kulankii Liverpool iyo Chelsea ayaa kusoo baxay booska kubad burburiyaha kooxda isbuuca Premier League ugu fiixcan.

Yaya Toure oo Gool rigoore ah dhaliyay midkalana baasay kulankii West Ham, Leroy SANE oo dhameystiray 86.2% baasaskii uu sameeyay iyo Mesut Ozil oo abuuray lix fursadood oo goolal loo fishay inkastoo kooxdiisa laga badiyay.

Qeybta weerarka waxaa kusoo baxay kooxdan Gylfi Sigurdsson oo ku lug leh 14 gool oo Premier League ah xili ciyaareedkaan iyo Gabriel Jesus oo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool dhaliya midna caawiya  kulankii ugu horeeyay ee uu kusoo bilowdo Premier League kooxda Manchester City.

Shaxda oo dhan ayaa kala ah

pl

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/goal-kante-gabriel-jesus-oo-hogaaminaya-kooxda-isbuuca-ugu-fiiican-premier-league-xili-xiddigaha-united-iyo-liverpool-la-waayay/">GOAL: Kante & Gabriel Jesus oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca ugu Fiiican Premier League Xili Xiddigaha United Iyo Liverpool la waayay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *