<

Home » Horyaalada » Premier League » Garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka Chelsea iyo Arsenal oo lagu dhawaaqay

Garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka Chelsea iyo Arsenal oo lagu dhawaaqay

Garsoore Martin Atkinson ayaa la xaqiijiyay inuu dhex dhexaadin doono kulanka London Derby ee Chelsea iyo Arsenal.

Atkinson ayaa ahaa garsoohihii kulankii Gunners ay guuldarada 2-1 kala kulantay Manchester City horaantii xili ciyaareedkan, sidoo kale waxaa uu ahaa garsoorihii kulankii Tottenham ay 2-0 kaga badisay Chelsea

Todobaadkan ayay labada koox ee Chelsea iyo Arsenal kulmi doonaan iyadoo horaantii xili ciyaareedkan ay kooxda Arsenal Chelsea uga badisay 3-0 kadib ciyaar xiiso badan oo ka dhacday Emirates Stadium

Sedexdaas guuldaro ayaa ahaa kuwa kaliya ee Chelsea ku dhacay xili ciyaareedkan, naadiga dhar balguuga ayaana haatan sideed dhibcood oo nadiif ah ka sareysa Arsenal oo kaalinta labaad ku jirta.

Kahor kulankaas sabtida ah, Arsenal ayaa wajihi doonta Watford halka Chelsea ay booqan doonto Liverpool talaadada soo aadan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/garsooraha-dhex-dhexaadin-doona-kulanka-chelsea-iyo-arsenal-oo-lagu-dhawaaqay/">Garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka Chelsea iyo Arsenal oo lagu dhawaaqay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *