<

Home » Horyaalada » Premier League » Gabriel Juses oo afka furtay kana sheekeeyay kusoo biiri taankiisii Man City, Muxuuse ka yiri Guardiola iyo Horyaalka dhibaatada badan ee Ingiriiska?

Gabriel Juses oo afka furtay kana sheekeeyay kusoo biiri taankiisii Man City, Muxuuse ka yiri Guardiola iyo Horyaalka dhibaatada badan ee Ingiriiska?

Xiddiga ku cusub ee kooxda Manchester City ee Gabriel Juses ayaa sheegay inuu si aad ah ula yaabay sida deg dega ah ee uu kula qabsaday nolosha kooxdiisa Manchester City.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee qaranka Brazil oo 19-sano jir ah ayaa usoo dhaqaaqay Etihad Stadium, isagoo ka yimid kooxda Palmeiras bishii hore, isagoona gool u dhaliyay kooxdiisa cusub. “waxa uu ii ahaa bilow riyo ah, waxaa laga yaabaa inaan sameeyo wax intaan ka badan”.

“Waxaan ku leeyahay waxaan sameyn doonaa wax ka wanaagsan, waxii aan filayay”, ayuu yiri, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sii raaciyay “markii aan la hadlay bqaar ka tirsan ciyaaryahanada kasoo ciyaaray Premier League, waxa ay ii sheegeen halka aan u socdo inuu yahay horyaal adag, laakiin waxaan madaxeyga galiyay, inaan si adag u shaqeeyo, waad gaari kartaa hadkaaga”.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in tababare Pep Guardiola uu lahaa masuuliyada ugu badan ee uu ugu soo dhaqaaqay England, isagoo ka hadlaya arimahaas ayuu yiri:-“Markii aan qaatay go’aanka ah inaan ku biiro City, Pep Guardiola ayaa isoo wacay si muhiim ah, wuuna ila hadlay  wax walba isaga ayaa ii sharxay, wuxuuna ii sheegay inaan muhiim ka noqon doono halkaan”

“Pep waa macalin weyn, waad garan kartaa wixii uu ka sameeyay kubadda cagta, waa macalin jecel ka dhex shaqeynta kubadda cagta, waxaana u rajeynayaa inuu wax badan ku guuleysan doono isaga,waxa uu ii muujiyey xiisaha uu ii qabo, waxaan halkaan u imaaday inaan caawiyo kooxdeyda, dabcan si aad ah ayaan ugu farxay markii aan go’aansaday inaan ku biiro Manchester City”.

Gabriel Juses ayaa kusoo bilawday kulankii ugu danbeeyay ee kooxdiisa, isagoona sabab u ahaa in keydka la geeyo Sergio Aguero oo xiddig muhiim ah ahaa, waxa uuna sidoo kale rajeynayaa, inuu helo markale ka helo fursad Man City, kulanka ay Swansea City kusoo dhaweyn doonto garoonkeeda Etihad Stadium, maanta oo axad ah.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/gabriel-juses-oo-afka-furtay-kana-sheekeeyay-kusoo-biiri-taankiisii-man-city-muxuuse-ka-yiri-guardiola-iyo-horyaalka-dhibaatada-badan-ee-ingiriiska/">Gabriel Juses oo afka furtay kana sheekeeyay kusoo biiri taankiisii Man City, Muxuuse ka yiri Guardiola iyo Horyaalka dhibaatada badan ee Ingiriiska?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *