<

Home » Falanqeyn » FALLANQEYN: Ryan Giggs Oo Farta Ku Fiiqay Waxa Sababta U Ah Dhibaatada Manchester City Iyo Sida Lagu Xalin Karo- Waa Duqyaal)

FALLANQEYN: Ryan Giggs Oo Farta Ku Fiiqay Waxa Sababta U Ah Dhibaatada Manchester City Iyo Sida Lagu Xalin Karo- Waa Duqyaal)

kooxda Pep Guardiola ee Manchester City waa mid aad u adag in ay hesho qaab ciyaareed wanaagsan, waayo waxay heystaan ciyaartooy duq ah sidaas waxaa aaminsan Ryan Giggs.

halyeeyga Manchester United ayaa celceliska ahaan ku sheegay da’da kooxda Etihad Stadium mida ugu weyn afarta koox ee ugu sareysa Horyaalka.

Telegraph, ayuu u sheegay Giggs in Guardiola uu ku bilaawday xilli ciyaareedkan kooxda gabow ah, oo u baahan dib u dhis xoogan.

Waxa uu yiri: “Marka aad ka ciyaareyso Premier League muddo dheer, waxad ogaan karta dhibaatada taagan, waxaan qiyaasayaa City dhibaato dhalinta ah in ay qabaan ayuu yiri Giggs.

“Tirakoobka 11ka ciyaaryahan ee ugu horeysa garoon ugasha xilli ciyaareedkan Manchester City ayaa celcelis ahaan lagu sheegay 28 sano iyo 299 maalmood waxaana kaliya ka da’weyn Stoke, West Bromwich Albion iyo Watford, oo 29 sano iyo 326 maalmood lagu qiyaasay da’da ciyaartooydooda.

Manchester City ayaa caawa kulan adag ku wajaheysa kooxda Tottenham, xili kulankii ugu dambeeyay qasaaro 4-0 kala kulmeen kooxda Everton.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/fallanqeyn-ryan-giggs-oo-farta-ku-fiiqay-waxa-sababta-u-ah-dhibaatada-manchester-city-iyo-sida-lagu-xalin-karo-waa-duqyaal/">FALLANQEYN: Ryan Giggs Oo Farta Ku Fiiqay Waxa Sababta U Ah Dhibaatada Manchester City Iyo Sida Lagu Xalin Karo- Waa Duqyaal)</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *