<

Home » Falanqeyn » RIKOOR XUN: MSN oo Hogaaminaya 10ka Weeraryahan ee Qaladka Ugu Badan Ka Sameeyay Horyaalka La Liga Xili Ciyaareedkaan

RIKOOR XUN: MSN oo Hogaaminaya 10ka Weeraryahan ee Qaladka Ugu Badan Ka Sameeyay Horyaalka La Liga Xili Ciyaareedkaan

Ka hor kulanka LaLiga ee kooxda Barcelona ciyaareyso maanta, Luis Enrique ayaa sheegay in qalad weyn ay tahay in xiddigihiisa qaataan jaalooyinka ugu badan garoonka xili ciyaareedkaan.

Lionel Messi, Neymar iyo Luis Suarez oo la isku yiraahdo (MSN) ayaa marar badan loo ciqaabay jaalooyin ay uruursadeen xili ciyaareedkaan.

Saddexda ciyaaryahan ayaa loo taagay jaalooyin ka badan weeraryahan kale ee iska garab ciyaara La Liga xili ciyaareedkaan.

Tirakoobku wuxuu sheegayaa in Neymar yahay ciyaaryahanka ugu qalad badan LaLiga waxaa uu sameeyay (69) qalad, waa in kabadan 17 jeer ciyaaryahanada kale ee Horyaalka xilli ciyaareedkan.

halka Lionel Messi uu sameeyay (37 qalad) waxaana uu yahay ninka  toddobaad ee horyaalka ugu qaladadka badan waqtigaan.

Haddaba waxaan halkaan hoose kusoo bandhigi doonaa 10ka weeraryahan ee ugu qaladaadka badan Horyaalka La Liga.

Weeraryahanada qaladadka ugu badan sameeyay La Liga

  1. Neymar 69 Qalad
  2. Samu Castillejo 52 Qalad
  3. Vela, Carlos 44 Qalad
  4. Aspas, Iago 42 Qalad
  5. Aduriz 40 Qalad
  6. Muniain 40 Qalad
  7. Messi, Lionel 37 Qalad
  8. Silva, Deyverson 33 Qalad
  9. Piatti, Pablo 33 Qalad
  10. Baptistao, Leo 32 Qalad
Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/fallanqeyn-msn-oo-loo-taagay-jaalooyin-ka-badan-weeraryahanada-kale-ee-la-liga-xili-ciyaareedkaan-xili-neymar-hogaaminayo-10ka-weeraryahan-ee-qaladka-ugu-badan-sameeyay-horyaalka-spain/">RIKOOR XUN: MSN oo Hogaaminaya 10ka Weeraryahan ee Qaladka Ugu Badan Ka Sameeyay Horyaalka La Liga Xili Ciyaareedkaan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *