<

Home » Falanqeyn » FALANQEYN & Xaqiiqooyin: Danilo ma yahay Saxiixii ugu xumaa Taariikhda Real, Xagee ayayse kaga jiraan Kaka, Cassano &….

FALANQEYN & Xaqiiqooyin: Danilo ma yahay Saxiixii ugu xumaa Taariikhda Real, Xagee ayayse kaga jiraan Kaka, Cassano &….

Dad badan ayaa qayaasayay in Danilo uu yahay ama uu noqon doono Dani Alves-ka cusub. Danilo ayaana ku biiray Real Madrid sanadkii 2015-kii, waxaana uu Porto uga soo tagay lacag dhan €31.5, waxaana uu xiligaas lahaa mustaqbal dhalaalaya, laakiin waxaa haleeshay musiibo joogta ku noqotay.

Daafacii kusoo bar baaray kooxda Santos ayaa kulankiisii koobaad ee kooxda Real waxaa uu kusoo dhamaaday bar bardhac gool la’aan ah waxaana ay la ciyaareen Sporting Gijon markaasna waxaa kooxda hogaaminayay Rafa Benitez, tababaraha reer Spain ayaana amar ah inuu safo saxiixan cusub ka helay madaxweynaha kooxda Real Florentino Perez.

Danilo ayaa tan iyo markii uu safashadiisii koobaad helay waxaa uu la kulmayay hoos udhac xoogan, Real ayaa guuldaro 3-2 ah kala kulantay Sevilla, halka uu sidoo kale xidig liita ka ahaa kulankii Clasico markaas oo ay Barcelona kubad walba ka keeneysay baalkiisa ayna Real uga badisay 4-0 iyadoo joogta garoonkeeda Santiago Bernabeu.

Danilo ayaa sidoo kale kasoo muuqday kulankiii ay  Villarreal 1-0 uga badisay Real, macalinkii xiligaas Benitez ayaana ku dhibtooday dooqashada daafacan

Dhamaadkii xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay waxaa uu ciyaaray kulan walba oo Real Madrid laga dhaliyay waxaana si weyn loo dhaliilayay awooda difaaciisa.

danilo-comparison-graphic_16ovdbilz7jeg1en9pzdzf5ps0

Xili ciyaaredkan ayu sidoo kale Danilo la kulmayay dhaleeceyn aad uweyn kadib marki ay kooxdiisa dhibtootay kulan walba oo uu kasoo muuqdo iyadoo waliba uu dhaawac ahaa daafaca ay isku booska yihiin ee Dani Carvajal, si kastaba, musiibada daafac ee ciyaaryahankan ayaa keentay inuu fashil ka dhigo lacagtii badneyd ee laga soo bixiyay.

Wiilasha macalin Zinedine Zidane ayaa kaliya guuleysatay 7 kulan oo kamid ah 13-dii kulan ee uu kasoo muuqday shaxda koobaad Danilo xili ciyaareedkan, waxaana ay taas ka dhigan tahay in kaliya ay  53.8 boqolkiiba badiiyeen, marka uu xidigan ka maqanaa kooxda Los Blancos ayaa waxaa ay 15 kamid ah 20 kulan oo ay ciyaareen ay badiyeen taas ayaana ka dhigan boqolkiiba 75.

20-kaas kulan, Madrid ayaa kaliya laga dhaliyay 21 gool, taas oo qayaastii ah hal kulan hal gool, laakiin kulamadii uu Danilo ciyaaray ayaa 13 kulan waxaa looga dhaliyay Real 19 gool oo udhiganta in kulan walba laga dhalinayay qayaastii hal gool iyo bar.

Tan iyo markii uu Danilo ku soo biiray kooxda, Madrid ayaa badisay 78 boqolkiiba kulamadeedii iyadoo uusan la joogin daafacii hore ee Santos taas oo ka dhigan iney badiyeen 32 kamid ah 41 kulan, waxaana laga dhaliyay is cel celis ahaan 0.7 gool kulankii, laakiin marka uu ciyaarayay, Real ayaa badisay 28 kulan oo kamid ah 44 kulan taaas oo ka dhigan 63.6 boqolkiiba waxaana laga dhaliyay isku cel celis ahaan 1.2 gool kulankiiba.

cartoon-danilos-own-goal_5p844r116niz10uky9vrgu232

Qiimeyntan ayaa xiliyada qaar been sheegi karta, dabcan waa lagu guul dareysan karaa in la sheego dhamaan waxyaabaha runta ah laakiin marka la fiiriyo waxyaabaha ilaa haatan la xaqiijiyay, kooxda Real Madrid ayaa ku dhibtooneysa kulamada uu Danilo ciyaaro, taas ayaana qasab uga dhigeysa Zidane inuu raadsado badalkiisa.

Marar badan ayay taagerayaasha Bernabeu ku ooriiyeen, sido kale xalay ayuu kooxdiisa ka reebay Copa del Rey kadib markii uu gool iska dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Sidoo kale waxaa uu shabaqa iska soo taabtay bishan wareegii 16-ka ee Sevilla, 25 jirkaan ayaana kamid ah saxiixyo ay sameysay Real 2015-kii kuwaas oo kooxda ku fashilmay

Real ayaa horey usameysay saxiixyo qaali ah oo ku fashilmay markii ay kooxda yimaadeen waxaana kamid ah – Kaka, Walter Samuel, Antonio Cassano iyo Jonathan Woodgate –laakiin Danilo ayaa ku biiraya inuu kamid noqdo saxiixyadii ugu xumaa taariikhda kooxda Real

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/falanqeyn-xaqiiqooyin-danilo-ma-yahay-saxiixii-ugu-xumaa-taariikhda-real-xagee-ayayse-kaga-jiraan-kaka-cassano/">FALANQEYN & Xaqiiqooyin: Danilo ma yahay Saxiixii ugu xumaa Taariikhda Real, Xagee ayayse kaga jiraan Kaka, Cassano &….</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *