<

Home » Falanqeyn » FALANQEYN: Barcelona vs Athletic Bilbao- Kooxda Luis Enrique oo Qasab Ay Tahay Inay Badiso

FALANQEYN: Barcelona vs Athletic Bilbao- Kooxda Luis Enrique oo Qasab Ay Tahay Inay Badiso

Luis Enrique ayaa ka digay in nacasnimo ay tahay haddii kooxdiisa ay lumiso fursada ay ugu tartami karaan horyaalka LaLiga markale.

Kooxda kaalinta labaad ee Barcelona ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Athletic Bilbaociyaar ka dhaceysa Camp Nou saacadu marka ay tahay 6: 15 Pm

Barcelona ayaa afar dhibcood ka dambeysa kooxda Real Madrid oo hal kulan oo dheeri gacanta ku heysata.

Laakiin tababaraha Barcelona Enrique ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay kooxdiisa in ay sare u qaado dagaalka ay ugu jiraan La Liga xili ciyaareedkaan.

LaLiga waa tartanka ugu weyn  ee aan ka fakireyno, ” Enrique ayaa ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeyay kulankaan.

GOORMEE LA DAAWAN DOONAA KULANKAAN?

kulanka u dhexeeya Barcelona iyo Athletic Bilbao ayaa bilaaban doona Saacda geeska guud ahaan Geeska Africa marka ay tahay 6:15pm.

HALKEE KA DAAWAN KARTAA?

Kulankaan waxaa si too ah u tabin doona telefishanada UK, laakiin laga heli doonaa on beIN Sports ee dalka Mareykanka.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOX?

Andres Iniesta ayaa dhawaan inuu kusoo laabto safka koowaad markii uu kasoo kabsaday dhaawac kubka ah, waxa uu kusoo laabtay tababarka kooxda dhammaadka toddobaadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ay la ciyaareyso BilbaoBarcelona waxaa seegi doona Sergio Busquets oo dhaawac canqowga ah qaba.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Barcelona: Marc-Andre ter Stegen; Aleix Vidal, Gerard Pique, Jeremy Mathieu, Lucas Digne; Denis Suarez, Ivan Rakitic, Arda Turan; Lionel Messi, Luis Suarez, Neymar

 Athletic Bilbao : Gorka iraizoz; Oscar de Marcos, Eneko Boveda, Aymeric Laporte, Mikel Balenziaga; Benat Etxebarria, Mikel San Jose; Iker Muniain, Raul Garcia, Inigo Lekue; Aritz Aduriz.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/falanqeyn-barcelona-vs-athletic-bilbao-kooxda-luis-enrique-oo-qasab-ay-tahay-inay-badiso/">FALANQEYN: Barcelona vs Athletic Bilbao- Kooxda Luis Enrique oo Qasab Ay Tahay Inay Badiso</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *