<

Home » Falanqeyn » FALANQEYN: 7 Maalin oo ka dhiman Suuqa – Ciyaaryahanadee ayay ku dhowdahay Kooxdaada?

FALANQEYN: 7 Maalin oo ka dhiman Suuqa – Ciyaaryahanadee ayay ku dhowdahay Kooxdaada?

Kaliya hal todobaad ayaa ka harsan suuqa kala iibsiga ee  qaboobaha bisha January, hadaba yay tahay iney kooxdooda ka tagaan oo ay koox kale aadaan?

Waxaan halkan idiinku soo gubdineynaa dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Suuqa kala iibsiga gaar ahaan barnaamijka Football Whispres ee ka baxa Sky Sports.

skysports-hogan-ulloa-zarate_3877212

Arsenal

Arsenal ayaa isha ku haysa saxiixa daafaca bidix ee Wolfsburg  Ricardo Rodriguez, halka ay sidoo kale isha ku haysi Daniel Sturridge, Rachid Ghezzal iyo Alexandre Lacazette

Chelsea

Barnaamijka Whisper ayaa saadaaliyay in xaalada Diego Costa ee koxoda la xaliyay, laakiin Chelsea ayaa wali ubaahan weeraryahan kale laakiin ma ahan mid weyn oo boos joogta ah heli doona.

Ciyaaryahanada ay dooneyso waxaa kamid ah weeraryahanka Swansea  Fernando Llorente halka saxiixyada kale ee kooxda imaan kara waxaa kamid ah Adama Traore iyo Antoine Griezmann.

Liverpool

Jose Fonte ayaa ka tagay Southampton, sababtaas darted ayayna Liverpool ugu adkaan doontaa saxiixa Virgil van Dijk , laakiin Klopp ayaanan ka quusan.

Ciyaaryahnanada kale ee Klopp uu doonayo waxaa kamid ah Mahmoud Dahoud (qadka dhexe), Alex Oxlade-Chamberlain (qadka dhexe).

Manchester City

Ciyaaryahanka Moise Kean  ayaa bartilmaameed u ah kooxda macalin Klopp, halka saxiixyo waa weyn ay noqon karaan Julian Weigl (qadka dhexe ), iyo Pierre-Emerick Aubameyang (weeraryahan).

Manchester United

Barnaamijka Whisper: Sky Sports ayaa fahansan in Man United ay bartilmaameed koobaad ka dhigatay Antoine Griezmann.

Waxeyse seegeen Goncalo Guedes oo ku biiray PSG, laakiin waxaa ay City kula tartamayaan Pierre-Emerick Aubameyang.

 

Bournemouth

Kooxdan ayaa isha ku haysa goolhayaha afarta kulan kaliya saftay ee Chelsea Begovic, Bournemouth ayaana dooneysa goolhayahan ciyaaryahanada kale ee ay dooneyso waxaa kamid ah  Robbie Brady iyo John Terry

Burnley

Kooxdan heerka hoose ka carareysa ayaa isha ku haysa saxiixyo ay kamid yihiin Robbie Brady, Dale Stephens, Robert Snodgrass iyo Alex Pritchard

Crystal Palace

Palace ayaa isha ku haysa iney £7m kula soo saxiixato daafaca Sunderland  Patrick van Aanholt , waxaa kale oo ay doonayaan  Ben Davies iyo Amari’i Bell.

Everton

Kooxda EVERTON ayaa dooneysa daafaca Chelsea Branislav Ivanovic kaas oo soo gaba gabeyn doona joogitaankiisa naadiga galbeedka London ka dhisan, ciyaaryahanada kale ee kooxdan ay dooneyso waxaa kamid ah Tosin Adarabioyo iyo Lamine Kone

Hull City

Hull macalinkeeda ayaa lasoo saxiixday Lazar Markovic laakiin wali waxaa uu doonayaa  Leonardo Ulloa iyo Emmanuel Emenike.

Leicester City

Leicester Mercury, ayaa isha ku haysa saxixia kubad sameeyaha  Middlesbrough Gaston Ramirez, Jonathan Cafu, Francesco Acerbi .

Middlesbrough

Waxaa ay dooneysaa Bojan Krick, Jese (weerar), Robert Snodgrass (qadka dhexe).

Southampton

Waxaa ay dooneysa Mamadou Sakho

Also linked: Manolo Gabbiadini (1.5), Sergio Oliveira (1.1).

Stoke City

Waxaa ay lasoo saxiixatay Saido Berahino, laakiin waxaa ay dooneysaa daafaca Michael Keane iyo xidiga kale ee Moussa Marega.

Sunderland

Leonardo Ulloa ayay ka dooneysaa Leicester City iyo  sidoo kale Robbie Keane

Swansea City

Tababare Paul Clement ayaa doonaya saxiixa Yoric Ravet iyo Jordan Ayew.

Tottenham Hotspur

Waxaa ay doonayaan daafaca Inter Milan Andrea Pinamonti daafaca kale ee Andrea Ranocchia iyo kubad sameeyaha Everton Ross Barkley.

Watford

Waxaa ay doonayaan Mauro Zarate iyo sidoo kale  Scott Hogan

West Brom

Waxaa ay doonayaan  Odion Ighalo iyo Leonardo Ulloa .

West Ham United

Waxaa ay doonayaan Scott Hogan, Daniel Sturridge iyo Papa Alioune Ndiaye

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/falanqeyn-7-maalin-oo-ka-dhiman-suuqa-ciyaaryahanadee-ayay-ku-dhowdahay-kooxdaada/">FALANQEYN: 7 Maalin oo ka dhiman Suuqa – Ciyaaryahanadee ayay ku dhowdahay Kooxdaada?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *