<

Home » Horyaalada » Premier League » Jose Mourinho oo shaki galiyay inuu kusoo bilaan karo Anthony Martial kulanka ay caawa soo dhaweyn doonaan Hull City

Jose Mourinho oo shaki galiyay inuu kusoo bilaan karo Anthony Martial kulanka ay caawa soo dhaweyn doonaan Hull City

Tababare Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Anthony Martial, uu ku laaban doono kursiga keydka kulanka Hull City ay caawa la dheeli doonaan.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara France iyo Manchester United ayaa si wanaagsan u ciyaaray kulankii Wigan, ee FA Cup-ka ka tirsanaa axadii lasoo dhaafay, isagoona caawiye ka ahaa laba kamida afartii gool ay United ku adkaatay.

Mourinho, ayaa horay ugu amray inuu hagaajiyo qaab ciyaareedkiisa, 20-sano jirkaan, balse waxa uu ka saaray safka koowaad klan ciyaareedka ay la yeelan doonaan kooxda ku dhibtooneysa Premier League-ga xilli ciyaareedkan.

Weeraryahankii hore ee Monaco ayaa ku dhibaatoonaya inuu booska hore ka heli tababarihiisa Mo.

Mar la weydiiyay in Martial, uu kusoo bilaan karo kulankan ayuu Mourinho yiri: “waxaa jira ciyaaryahano ku fiican inay boosaskaas inoo ciyaaraan, ma waxaan kasoo tagaa Mkhitaryan, oo noqday Man Of the Match, ma awoodo taa”.

mustaqbalka Martial ayaa shaki ku jiray, bishii January intii uu furnaa suuqa kala iibsiga, kadib markii uu Mourinho si xoogan u dhaleeceeyay laacibkaan, ka gadaal markii ay barbaro 1-1 ah la dhaafi waayeen Liverpool bilowgii bishii aynu soo dhaafnay.

Sevilla, ayaa ahayd kooxdii ugu badneyd ee lala xiriirinayay, waxa ayna dooneysay inay si amaah ah ku qaadato, laakiin United ayaa iska diiday gabi ahaanba dalabkaas.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/e-mourinho-oo-shaki-galiyay-inuu-kusoo-bilaan-karo-anthony-martial-kulanka-ay-caawa-soo-dhaweyn-doonaan-hull-city/">Jose Mourinho oo shaki galiyay inuu kusoo bilaan karo Anthony Martial kulanka ay caawa soo dhaweyn doonaan Hull City</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *