<

Home » Horyaalada » Serie A » Dybala oo salaami waayay Tababarihiisa Allegri & Macalinka Juventus oo War deg deg ah kasoo saaray

Dybala oo salaami waayay Tababarihiisa Allegri & Macalinka Juventus oo War deg deg ah kasoo saaray

Tababaraha kooxda Juventus Max Allegri ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay shilkii ka dhex dhacay isaga iyo ciyaaryahanka Paulo Dybala.

Xidiga qaranka Argentine ayaa diiday inuu gacan qaado ama salaamo tababarihiisa kadib markii badal loo taagay macalinka ayaana yiri “dhaman ciyaaryahanada waxaa ay doonayaan iney garoonka ku jiraan.”

La Joya ayaa la badalat xili ay kooxdiisa 2-0 kaga badisay Sassuolo, waxaase uu diiday inuu gacan qaado ama salaamo tababarihiisa Allegri isagoo garoonka isaga baxay.

Xidigan ayaa lala xariirinayaa kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Man United, halka Juventus ay heshiis cusub ka dooneyso

“Dhamaan ciyaaryahanada waxaa ay doonayaan iney garoonka ku jiraan, wax wanaagsan ayuuna sameeyay markii uu garoonka ku jiray,” tababaraha ayaa sidaas saxaafada usheegay ciyaarta kadib.

“Waxba ma aysan dhicin, ciyaaryahanadana waa ay xanaaqi karaan marka la badalo, waxa muhiimka ah ayaase ah marka ay garoonka ku jiraan iyo waxa ay ubaahan yihiin iney sameeyaan””ayuu hadalkiisa ku daray Allegri

Isigoo hadalkiisa sii wata ayuu Allegri yiri “waxaan taagnaanayaa xariiqinteyda hadii ciyaaryahan isalami waayo ama uu salaami waayo ciyaaryahanada ku kooxda ah waxaase ay ubaahan yihiin iney isxushmeeyaan”.

“Hadii ay u xanaaqsan yihiin tababarahooda, dhib malahan, waa wax dhamaanaya, waana mid aan isticmaalayo anigaba ciyaarayahan ayaan soo ahaa…”

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/dybala-oo-salaami-waayay-tababarihiisa-allegri-macalinka-juventus-oo-war-deg-deg-ah-kasoo-saaray/">Dybala oo salaami waayay Tababarihiisa Allegri & Macalinka Juventus oo War deg deg ah kasoo saaray</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *