<

Home » Wararka Maanta » DIGNIIN: Borussia Dortmund oo Aubameyang Kaga Digtay Inuu Mustaqbalkiisa Kaga Hadlo Saxaafada

DIGNIIN: Borussia Dortmund oo Aubameyang Kaga Digtay Inuu Mustaqbalkiisa Kaga Hadlo Saxaafada

Borussia Dortmund ayaa ku boorrisay weeraryahankooda Pierre-Emerick Aubameyang inuu joojiyo hadalada uu saxaafada ka sheegayo, ee mustaqbalkiisa ku aadan kadib markii uu ka dhawaajiyey inuu tegi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka qaranka Gabon ayaa soo jeediyay horaantii isbuucaan hadal ahaa inuu doonayo inuu ka tago Signal Iduna Park, si uu usii horumariyo mustaqbalkiisa ciyaareed, iyadoona wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in laacibkan uu jecel yahay inuu xerto fanaanada kooxda La Liga ka dhisan ee Real Madrid, taasoo qudheedu  lacago waali ah ku dooneysa.

Aubameyang ayaanan si fiican u dhacsaneen kooxdiisa BVB, iyadoona agaasimaha isboortiga Michael Zorc, uu kula taliyay weeraryahanka rugcadaaga ah inuu joojiyo bixinta wareysiyadaoo balse waxa uu kula taliyayb inuu diirada saaro kaliya sidii Dortmund ay ugu soo bixi laheed xilli ciyaareedka soo socda ee Champions League.

“Waxaan kulan la qaadanay Aubameyang, waxaan u sheegnay inuu joojiyo wareesiyada yar ee ku aadan mustaqbalkiisa xagaaga soo socda, waxaana kula talinay inuu diirada saaro kaliya sidii ay oo sidii Dortmund ay ugu soo bixi laheed xilli ciyaareedka soo socda ee Champions League, dabcan waxaa naga dhaxeeya isaga xiriir fiican”. Zorc ayaa sidaas u sheegay Westdeutschen Allgemeinen.

Aubameyang ayaa dhaliyay 16 gool kulan oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkaan, Borussia Dortmund ayaana ku jirta kaalinta afaraad ee horyaalkas, iyadoona hal dhibiuc ka dambeysa kooxda  kaalinta seddexaad fadhida ee Eintracht Frankfurt.

Dortmund ayaa wajihi doonta kulan ka tirsan horyaalka Germany kooxda booska labaad ku jirta RB Leipzig,  maaalinta Sabtida ee soo socota.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/dortmund-oo-uga-digtay-weeraryahankeeda-baxsadka-ah-ee-aubameyang-inuu-joojiyo-wareesiyada-oo-bixinayo-oo-ku-aadan-mustaqbalkiisa/">DIGNIIN: Borussia Dortmund oo Aubameyang Kaga Digtay Inuu Mustaqbalkiisa Kaga Hadlo Saxaafada</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *