<

Home » Horyaalada » Premier League » DIGNIIN CULUS: Jose Mourinho oo sheegay in Anthony Martial Heysto Fursadii ugu Dambeysay Manchester United

DIGNIIN CULUS: Jose Mourinho oo sheegay in Anthony Martial Heysto Fursadii ugu Dambeysay Manchester United

Anthony Martial ayaa qaadan doona fursad kama dambeys ah oo uu ku hagaajiyo xirfadiisa kooxda Manchester United kadib marki fursad uu ugu soo bilowdo lasiiyay ciyarta beri ee Wigan.

Haddii uu wax ka bedeli waayo xididga France qaab ciyaareedkiisa liita, Jose Mourinho ayaa go’aan kama dambeys ah ka qaadan doona sida laga soo xigtay macalinka Portugal.

Martial, oo 21 jir ah, ayaa ahaa ninkii ugu goolasha badnaa kooxda xili ciyaareedkii hore markii uu dhaliyay 17 gool waxaana uu u qaaday United tartanka FA Cup.

Laakiin waxaa jiray hoos u dhac weyn oo uu muujiyay xilli ciyaareedkan kadib markii laga qaaday maaliyada No 9 oo loo xiran Ibrahimovic.

Sida lagu sheegay warbixinta SunSport, Mourinho ayaa aaminsan in ninka ku fadhiya £ 36million uu u baahan yahay inuu u dagaalamo booskiisa kadib markii uu hos u dhac sameeyay, laakiin waxaa lsiin doonaa fursad uu isku muujiyo ciyaarta Wigan ee FA Cupka.

Martial ayaa qaab soo jiidasho leh ku bilowday noloshiisii ugu horeysay United markii kulankiisii ugu horeeyay laba gool uu ka dhaliyay kooxda Liverpool.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/digniin-culus-jose-mourinho-oo-sheegay-in-anthony-martial-heysto-fursadii-ugu-dambeysay-manchester-united/">DIGNIIN CULUS: Jose Mourinho oo sheegay in Anthony Martial Heysto Fursadii ugu Dambeysay Manchester United</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *