<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dib U Eegid: Ramos oo Rikoor ka sameeyay Goolashii Malaga & Sedex Qodob oo laga qoray Kulankiii ay Real 2-0 kaga badisay Malaga

Dib U Eegid: Ramos oo Rikoor ka sameeyay Goolashii Malaga & Sedex Qodob oo laga qoray Kulankiii ay Real 2-0 kaga badisay Malaga

Kabtanka kooxda Real Madrid  Sergio Ramos ayaa rikoor cusub oo dhanka gooldhalinta ah udhigay horyaalka Spain kadib kulankii Malaga.

Daafacan ayaa ubaahnaa hal gool oo kaliya si uu usoo bar bareeyo gooldhalintisiii ugu fiicnaa ee uu hal xili ciyaareed sameeyay horyaalka Spain, waxaana uu rikoorkaas soo bar bareeyay markii uu goolka koobaad daqiiqadii 35-aad udhaliyay Real Madrid.

RIIX HALKAN: REAL OO DIRQI KAGA BAXSATAY MALAGA & RAMOS OO BAD BAADIYAY

Sidoo kale Ramos ayaa gool kale shabaqa kusoo taabtay sideed daqiiqo kadib, isagoo guul ku hogaamiyay kooxdiisa kulankii ka dhacay Santiago Bernabeu.

– Sergio Ramos ayaa dhaliyay lix gool oo horyaalka ah xili ciyaareedkan, waana rikoorkiisii ugu wanaagsanaa ee uu hal xili ciyaareed dhaliyo, sidoo kale waxaa uu dhamaan tartamada ka dhaliyay 8 gool xili ciyaareedkan.

RIKOORADII KALE EE KULANKI REAL IYO MALAGA

–  Ciyaaryahanada Real Madrid ayaa dhaliya goolasha uu abuuro Kubad sameeyaha qaranka Germani Toni Kroos, isagoo caaawiyay 8 gool dhamaan tartamada, waxaana sidaas oo kale 8 mar caawiyay sanadkan Ramos, waxaa 7 caawiyay G.Bale halka C.Ronaldo ayaa isna 6 caawiyay.

35 – Real Madrid ayaa guushii kulankaan sii carbuunatay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana markeedii 35-aad ay guusheeda xaqiijineysaa qeybta hore ee ciyaarta kulamada horyaalka La Liga.

3 – Macalin Marcelo Romero ayaa noqonaya tababarihii ugu horeeyay ee kooxda Malaga manager kaas oo laga badiyo sedexdiisii kulan ee ugu horeysay horyaalka La LIga.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/dib-u-eegid-ramos-oo-rikoor-ka-sameeyay-goolashii-malaga-sedex-qodob-oo-laga-qoray-kulankiii-ay-real-2-0-kaga-badisay-malaga/">Dib U Eegid: Ramos oo Rikoor ka sameeyay Goolashii Malaga & Sedex Qodob oo laga qoray Kulankiii ay Real 2-0 kaga badisay Malaga</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *