<

Home » Falanqeyn » DIB U EEGID: Kaarkii Xhaka, Wacdarihii Ozil, goolkii ugu danbeeyay ee Sanchez & Shan Rikoor oo laga qoray Kulankii Arsenal Vs Burnley

DIB U EEGID: Kaarkii Xhaka, Wacdarihii Ozil, goolkii ugu danbeeyay ee Sanchez & Shan Rikoor oo laga qoray Kulankii Arsenal Vs Burnley

Kooxda Arsenal ayaa guul soo daahday ka gaartay naadiga Burnley kadib ciyaar xiiso badan oo kusoo dhamaatay 2-1.

Hadaba, Shabakada Wararka ciyaaraha ee Laacibiin.com ayaa halkan idiinku soo gudbineysa rikooradii kulankaas laga diiwaan geliyay.

100% – Mesut Ozil ayaa dhameystiray 33-kiisii baas ee uu sameeyay qeybtii hore ee ciyaarta kulankii ay Arsenal 2-1 dirqi ah kaga badisay Burnley..

12 – Arsenal ayaa 12 gool madaxa ku dhaliyay xili ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska waana wax ka badan kooxaha kale ee horyaalka.

5 – Tan iyo markii uu xili ciyaareedkan bilowday, Granit Xhaka ayaa noqday ciyaaryahanka ugu badan ee roosada la siiyo dhamaan kooxaha shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

7 – Arsenal ayaa ah kooxda ugu badan ee xili ciyaareedkan rooso qaadata horyaalka Ingiriiska waana wax ka badan kooxaha kale.

90 – Arsenal aaa noqoneysa kooxdii ugu horeysay ee labo gool ku dhalisa  90-ka daqiiqo horyaalka kuna guuleysto kulankaas hal xili ciyaared waxaana lamid noqoneysaa kulankii Man U v Man City ee xili ciyaareedkii 09-10.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/dib-u-eegid-kaarkii-xhaka-wacdarihii-ozil-goolkii-ugu-danbeeyay-ee-sanchez-shan-rikoor-oo-laga-qoray-kulankii-arsenal-vs-burnley/">DIB U EEGID: Kaarkii Xhaka, Wacdarihii Ozil, goolkii ugu danbeeyay ee Sanchez & Shan Rikoor oo laga qoray Kulankii Arsenal Vs Burnley</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *