<

Home » Horyaalada » Bundesliga » RASMI: Xidig katirsan Dortmund oo niyada ka dilay Barcelona iyo Liverpool

RASMI: Xidig katirsan Dortmund oo niyada ka dilay Barcelona iyo Liverpool

Ciyaaryahanka Christian Pulisic ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub taas oo meesha ka saareysa rabitaankii macalin Klopp uu doonayay.

Qadkan dhexe ayaa heshiis sedex sano iyo bar ah qalinka ugu duugay kooxdiisa Borussia Dortmund, iyadoo saxaafada dhanka kubada cagta ay horey usheegeen inuu ku biirayo midkood Liverpool ama Barcelona.

Wiilkan kasoo jeeda Mareykanka ayaa xili ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxdiisa isagoo kasoo muuqday 19 kulan dhamaan tartamada, waxaana uu shabaqa soo taabtay labo mar.

Xili ciyaareedkan ayaa waxaa si weyn loola xariirinayay Liverpool, laakiin kooxda Dormund ayaa 18 jirkaan ku qancisay inuu kooxda sii joogo.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deg-deg-xidig-katirsan-dortmund-oo-niyada-ka-dilay-barcelona-iyo-liverpool/">RASMI: Xidig katirsan Dortmund oo niyada ka dilay Barcelona iyo Liverpool</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *