<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » DEG-DEG:- Kooxda West Ham oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa laacibka khadka dhexe ee weerarka kaga ciyaarayay kooxda Hull City

DEG-DEG:- Kooxda West Ham oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa laacibka khadka dhexe ee weerarka kaga ciyaarayay kooxda Hull City

Kooxda West Ham ayaa ku dhawaaqday, inay dhameystirtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Hull City Robert Snodgrass.

29-sano jirkaan, heerka caalami ee qaranka Scotland ayaa noqonaya saxiixii labaad ee ugu weyn ee suuqa kala iibsiga bishan Janaayo, oo ay sameyso kooxda Hammers lagu naaneyso, kadib markii ay daafaca reer Portugal Jose Fonte, kala soo wareegeen naadiga Southampton.

Snodgrass ayaa ilaa iyo haatan ku jira qaab ciyaareed fiican, xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay todobo gool, waxa uuna saddex ka caawiyey inay dhaliso kooxdiisa Tigers. Waxaaa jiray kooxo badan oo Premier League-ga ka dhisan, kuwaas oo doonayay inay la wareegaan, balse West Ham ayaa ku qaadatay lacag dhan £ 10.2million.

“Waan ku faraxsanahay inaan kusoo biiro Clup ama naadi weyn sida West Ham oo kale, waxaan rajeynayaa inaan isla qaadan doono waqti wanaagsan”, ayuu Snodgrass u sheegay bogga rasmiga ah ee Hammers.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deg-deg-kooxda-west-ham-oo-ku-dhawaaqday-inay-dhameystirtay-saxiixa-laacibka-khadka-dhexe-ee-weerarka-kaga-ciyaarayay-kooxda-hull-city/">DEG-DEG:- Kooxda West Ham oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa laacibka khadka dhexe ee weerarka kaga ciyaarayay kooxda Hull City</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *