<

Home » Horyaalada » Premier League » DEG DEG: Kooxda Chelsea oo ku dhow iney lasoo wareegto Difaac & Weeraryahan Halis ah

DEG DEG: Kooxda Chelsea oo ku dhow iney lasoo wareegto Difaac & Weeraryahan Halis ah

Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaneysa saxiixa weeraryahanka Celtic Moussa Dembele – laakiin qiimahiisa ayaa ah £40m

Sky Sports ayaa fahansan iney Celtic diyaar utahay iney iibiso xidigan hadii ay daqiiqadaha ugu danbeeya ee suuqa kala iibsiga ay ku hesho lacagta ay ku dooneyso oo ah £40m.

Dembele ayaa hormar wanaagsan ka sameynayay kooxdiisa, iyadoo marar badan ay daawadeen wakiilo ka socda kooxda Chelsea xataa markii uu kusugnaa naadiga Fulham.

skysports-celtic-moussa-dembele-scottish-premiership_3861757

Celtic ayaa bixisay £500,000 si ay ula soo saxiixato Dembele kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisii Fulham ee xili ciyaareedkan.

Dembele 20 gool udhaliyay kadib  38 kulan oo uu usaftay kooxda Celtig dhamaan xili ciyaareedkan, sidoo kale Chelsea ayaa wali xiiseyneysa iney amaah kula soo saxiixato weeraryahanka Swansea City Fernando Llorente

CHELSEA OO WADAHADAL KULA JIRTA DAAFAC CUSUB

Chelsea ayaa wadahadal xoogan kula jirta kooxda Schalke iyadoo ka dooneysa saxiixa daafaca bidix ee Kolasinac, sidaas Sky Sports ayaa sheegaya

Waxaa la fahansan yahay in xidigan qaranka Bosnia and Herzegovina uu sidoo kale bartilmaameed uyahay kooxda Juventus si uu unoqdo badalka Patrice Evra.

skysports-kolasinac-sead_3880990

23-jirkaan ayaa kaliya lix bilood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda Germani ka dhisan, waxaana suura gal ah iney Chelsea dhameystirto saxiixisa daqiiqada ugu danbeysa ee Suuqa Kala Ibsiga.

Kooxda dhar baluuga ayaa dib ugu yeertay Nathan Ake, kaas oo ciyaaray kulankii  Brentford ee  FA Cup-ka halka Ivanovic uu ku dhow yahay kooxda Zenit St Petersburg

Hadii heshisikan uu guuleysto, Kolasinac ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee bisha January inkastoo ay wali xidigo cusub doonayaan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deg-deg-kooxda-chelsea-oo-ku-dhow-iney-lasoo-wareegto-difaac-weeraryahan-halis-ah/">DEG DEG: Kooxda Chelsea oo ku dhow iney lasoo wareegto Difaac & Weeraryahan Halis ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *