<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » DEG DEG: Daafaca Real Madrid Marcelo oo lagu qasbay inuu ka baxo Kulanka Malaga

DEG DEG: Daafaca Real Madrid Marcelo oo lagu qasbay inuu ka baxo Kulanka Malaga

Kooxda Real Madrid ayaa aad uga wal waleysa xaalada daafaca bidix ee reer Brazil Marcelo kaas oo dhaawac looga saaray kulanka Malaga.

Tababare Macalin Zidane ayaa daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta ku qasbanaaday inuu badalo Marcelo kadib markii uu dhaawac dhanka muraqa ah soo gaaray.

Waxaa lagu badalay qadka dhexe ee reer Spain Isco, taas oo ka dhigan in kaliya sedex daafac ay ciyaarto Real kulankan Malaga.

Daafaca Sergio Ramos ayaa gool madaxa ugu dhaliyay Real Madrid daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta, sidoo kale daqiiqadii 40-aad ayuu madaxa mid kale ku dhaliyay laakiin Offside ayay noqotay.

Laakiin daqiiqadii 41-aad ayuu mar kale shabaqa soo taabtay daafaca reer Spain isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0, Real Madrid ayaana haysa Koontaroolka ciyaarta.

Si kastaba wiilasha macalin Zidane ay doonayaan iney kasoo kabsadaan labo guuldaro oo todobaadkii hore kasoo kala gaartay Sevilla iyo Celta Vigo.

marcelo-pic

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deg-deg-daafaca-real-madrid-marcelo-oo-lagu-qasbay-inuu-ka-baxo-kulanka-malaga/">DEG DEG: Daafaca Real Madrid Marcelo oo lagu qasbay inuu ka baxo Kulanka Malaga</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *