<

Home » Horyaalada » Premier League » RASMI: Daafaca Bidix ee Qaranka Netherland Patrick van Aanholt oo ku biiray Crystal Palace

RASMI: Daafaca Bidix ee Qaranka Netherland Patrick van Aanholt oo ku biiray Crystal Palace

Crystal Palace ayaa xaqiijisay saxiixa daafaca bidix ee kooxda Sunderland Patrick van Aanholt kaasoo muddo bartilmaameed u ahaa.

Daafaca bidix ee Dutch ayaa heshiis afar sanno iyo bar ah ugu biiray kooxda Palace, isagoo lacag aan la shaacin ugu dhaqaaqay,laakiin waxaa la aaminsan yahay in ay tahay £ 12 million.

Van Aanholt ayaa u saxiixay Sunderland markii uu ka tagay Chelsea sanadkii 2014,laakiin laba xili ciyaared oo uu kusugnaa Black Cats ayuu sameeyay horumar badan.

Van Aanholt, oo 26 jir ah ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed kasoo bilaabay kooxda Chelsea ka dib markii uu kasoo baxay dhalinyarada PSV Eindhoven.

Waxa uu si amaah ah ugu ciyaaray kooxaha Coventry City iyo Newcastle United, Leicester City, Wigan Athletic iyo Vitesse Arnhem.

Waxa uu ku biiray Sunderland July 2013 isagoo 88 jeer usaftay Sunderland, waxaana uu dhaliyay todobogool afar xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deg-deg-daafaca-bidix-ee-patrick-van-aanholt-oo-dhameystiray-kubiiristiisa-koox-ka-dhisan-london/">RASMI: Daafaca Bidix ee Qaranka Netherland Patrick van Aanholt oo ku biiray Crystal Palace</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *