<

Home » Horyaalada » Premier League » DEG- DEG: Chelsea oo € 100 million kusoo xero Gelineysa Andrea Belotti & Agaasimaha Bules oo Hadda u Duulay Italy

DEG- DEG: Chelsea oo € 100 million kusoo xero Gelineysa Andrea Belotti & Agaasimaha Bules oo Hadda u Duulay Italy

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta weeraryahanka kooxda Torino ee dalka Talyaaniga ninka lagu magcaabo Andrea Belotti.

Kooxda Conte ayaa silama filaan ah ugu soo bandhigtay weeraryahanka reer Italy lacag € 100 million si ay saxiixiisa ugu dhawaaqaan saacadaha kooban ee ka ahary suuqa kala iibsiga,

Sky Italia ayaa ku waramaya in wadahadalka hadda si xooli ah uu ugu bilowday labada dhinac, waxaana uu u arkayaa macalin Conte ciyaaryahankaan bedelka kaliya ee Costa oo aan lahubin mustaqbalkiisa kooxda.

Sida laga soo xigtay warbixinta lagu qoray Sky Italia, agaasimaha farsamada kooxda Chelsea Michael Emenalo ayaa hadda u duulay Italy si uu usoo dhameystiro heshiiskaan.

wuxuu noqon doonaa heshiiskaan mid lama filaan ah, Chelsea ayaa sidookale lala xiriirinayaa weeraryahanka Real Madrid Morata.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deg-deg-chelsea-oo-e-100-million-kusoo-xero-gelineysa-andrea-belotti-agaasimaha-bules-oo-hadda-u-duulay-italy/">DEG- DEG: Chelsea oo € 100 million kusoo xero Gelineysa Andrea Belotti & Agaasimaha Bules oo Hadda u Duulay Italy</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *