<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » BREAKING: Barcelona oo Wajaheysa Atletico Madrid Semi-finalka Copa del Rey oo Isku Aadkiisa Lagu Dhawaaqay

BREAKING: Barcelona oo Wajaheysa Atletico Madrid Semi-finalka Copa del Rey oo Isku Aadkiisa Lagu Dhawaaqay

Barcelona ayaa wajihi doonta Atletico Madrid semi-finalka Copa del Rey, iyadoo Alaves ay la ciyaareyso kooxda Celta Vigo oo tartanka ka reebtay habeen ka hor kooxda Real Madrid.

Ka dib markii ay kasoo taqluseen kooxda Real Sociedad quarter-final, kooxda heysata tartankaaan ayaa booqan doonta Vicente Calderon lugta hore February 1 ka hor inta aysan lugta labaad ku ciyaarin garoonka Camp Nou isbuuc kadib.

“Waxaan mar kale wajihi doona Atleti. Aad ayay u wanaagsan tahay .waxaana dareemeynaa ciyaar adag in ay tahay ayuu yiri” Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barca Sergi Roberto.

“Barcelona ayaa rajeyneysa sanadkii sadexada oo xiriir ah in ay isku xaadiriso finalka Copa del Rey oo si joogta ah ay u gaartay labadii xili ciyareed ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Celta, ayaa kusoo reebtay Madrid 3-2 labada lug, waxaana ay martigalin doonaan kooxda Alaves lugta hore.

Kooxda kaalinta siddeedaad kaga jirta Horyaalka La Liga ayaa ka yaabsatay Zinedine Zidane iyo wiilashiisa.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deg-deg-barcelona-oo-wajaheysa-atletico-madrid-semi-finalka-copa-del-rey-oo-isku-aadkiisa-lagu-dhawaaqay/">BREAKING: Barcelona oo Wajaheysa Atletico Madrid Semi-finalka Copa del Rey oo Isku Aadkiisa Lagu Dhawaaqay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *