<

Home » Horyaalada » Premier League » DEADLINE DAY: 7 Dhacdo oo aan la hilmaami karin oo ka dhacay Suuqa Kala iibsiga Daqiiqada ugu danbeysa – Arsenal, Chelsea, L’pool, City &…

DEADLINE DAY: 7 Dhacdo oo aan la hilmaami karin oo ka dhacay Suuqa Kala iibsiga Daqiiqada ugu danbeysa – Arsenal, Chelsea, L’pool, City &…

Suuqa Kala Iibsiga ayaa sii dhamaanaya, laakiin sanadihii lasoo dhaafay lacago badan oo la qarash gareeyay ayaa qasaaro xoogan keenay.

Wargeyska Sky Sports ayaase sheegaya in wali ay dhamaadka habeenka suuqa kala iibsiga ay dhici karaan saxiixyo waa weyn oo cajiib ah.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo gubdineynaa 7 saxiixo oo ugu waa weynaa Suuqa kala iibsiga laakiin ahaa kuwa maskaxda kubada cagta xasuus badan ku reebay

Peter Odemwingie

Odemwingie ayaa ku lug lahaa mid kamid ah suuqayadii kala iibsiga ee sanadihii lasoo dhaafay waxaana la xasuustaa in kooxdiisii West Brom uu ku qasbay iney ka iibiyaan QPR  January 2013. weeraryahanka reer Nigeria ayaa ku fashilmay inuu heshiiskaas dhamesytito, tababatihisiii xiligas  Steve Clarke ayaana udiiday inuu dib danbe uciyaaro.

Yossi Benayoun iyo Mikel Arteta

yossi-benayoun

Arsenal ayaa lacag badan bangiga kusoo xareysatay kadib markii ay iska iibisay qadka dhexe ee  Cesc Fabregas iyo Samir Nasri waxaana marka la isku daro ay ahayd ku dhawaad £60million waana kuleylihii 2011. tabbaare Arsene Wenger ayaase heegan geliyay taageerayaasha si ay usugaan badalkooda, ilaa saacadihii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga markaas ayayna Arsenal lasoo saxiixatay Benayoun iyo Arteta. xidiga reer Spain Arteta ayaa kooxda ku yimid £10million isagoo kasoo tagay Everton, shan sano ayuuna ku qaatay Emirates, halka Benayoun uu xili ciyaareed amaah ah kaga soo tagay Chelsea, heshiiskiisiina lama cusbooneysiin.

Benjani

Xidiga qaranka Zimbabwe Benjani ayaa ku hordooday garoonka diyaaradaha Southampton, waxaase uu seegay labo dulimaad si uu ugu saxiixo Manchester City isagoo kasoo tagay Portsmouth bishii January 2008. weeraryahankan ayaase daqiiqadii ugu danbeysay gaaray, nasiib wanaag ayaa la dhameystiray heshiiskiisa, waxaana uu kusoo bilowday kulankii ay  City ka badisay United, laakiin waayihiisii Etihad Stadium ayaa guuleysan waayay waxaana uu udhaliyay kaliya afar gool  2010 ayuuna kooxda ka tagay.

Fernando Torres iyo Andy Carroll

Kadib markii ay kooxdan ogolaatay iney Fernando Torres ka iibiso kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea lacag dhan £50million  August 31 2011, Liverpool ayaa sidoo kale lacag rikoor ah oo dhan £35million kula soo wareegtay weeraryahankii Newcastle Andy Carroll. labada ciyaaryahan ayaase ku fashilmay waayahoodii labada koox Liverpool ayaana Luis Suarez lasoo saxiixatay isagoo sedex xili ciyaareed iyo bar ku dhaliyay 69 gool kadibna waxaa ay lacag aan caadi aheyn uga iibiyeen Barcelona.

andy-carroll-fernando-torres-450-30269829

Rafael van der Vaart

Tababarihii Tottenham Harry Redknapp ayay waqti badan ku qaadatay inuu sugo saxiixa qadka dhexe ee reer Holland kaas oo £8million uga imaanayay Real Madrid dhamaadkii suuqa kala iibsiga 2010. waxaase dhibaato weyn ay ka taagneyd warqadahaha shaqada laakiin kooxda ayaa isdaba marin ku sameysay warqadahiisii, booliska oo baaritaan ku sameeyana waxaa ay ku sheegeen in cilad xaga farsamada ah ay dhacday.

Van der Vaart ayaa labo sano ku qaatay kooxda ka dhisan garoonka White Hart Lane, waxaana uu udhaliyay 23 gool oo horyaalka ah

David De Gea

Mudo dheer ayaa lala xariirinayay in goolhayaha Manchester United uu aadayo Real Madrid sanadkii 2015. waxaa la isku ogolaaday lacagtii oo aheyd £30millio, laakiin goolhayihii hore ee Atletico Madrid oo rajeynayay inuu ku laabto LaLiga ayaa la dhameystiri waayay warqadihii kala wareegitaanka, xataa goolhayaha haatan ee Real oo qeyb ka ahaa heshiiskaas ayaa mudo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Madrid si uu usoo aado dhanka United

stoke-city-v-manchester-united-premier-league

Andrey Arshavin

Arsenal ayaa ugu danbeyn dhameystirtay heshiiska xidigan January 2009 by waxaana garabkan qaranka  Russia uu lacag rikoor ah uga soo tagay Zenit St Petersburg £15million. wadahadalka ayaa dhamaaday lacagta ayaana bixinteedii ay aad udaahday, sidoo kale waxaa lagu qasbanaaday in 24 kadib la dhameystiro warqadihii shaqada, nasiib ayayna Arsenal ku laheyd iney hesho shaqada ciyaaryahankan.

image-4-for-liverpool-4-4-arsenal-gallery-195457171

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/deadline-day-7-dhacdo-oo-aan-la-hilmaami-karin-oo-ka-dhacay-suuqa-kala-iibsiga-daqiiqada-ugu-danbeysa-arsenal-chelsea-lpool-city/">DEADLINE DAY: 7 Dhacdo oo aan la hilmaami karin oo ka dhacay Suuqa Kala iibsiga Daqiiqada ugu danbeysa – Arsenal, Chelsea, L’pool, City &…</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *