<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » DALABYO WAALI AH: Inter Milan oo Xagaagan Lasoo Wareegeysa Lionel Messi & Antoine Griezmann

DALABYO WAALI AH: Inter Milan oo Xagaagan Lasoo Wareegeysa Lionel Messi & Antoine Griezmann

Inter ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto xidiga Barcelona Lionel Messi xagaaga, laakiin qorshahaan ayaa layaab ka noqon doono suuqa kala iibsiga.

Kooxda reer Italy ayaa € 110 million dalab ah sidookale ka gudbisay weeraryahanka kooxda Atletico Antoine Griezmann si uu kaga garab ciyaro ninka reer Argentine.

sida laga soo xigtay wargeyska kasoo baxa Talyaaniga ee Sport Premium kooxda Inter maamulkeeda ayaa dajiyay miisaaniyada labadaas ciyaaryahan lagu soo qaadanayo xagaagan.

wadahadalo muddo dheer usocday Messi iyo kooxdiisa ayaan wali la isku fahmin inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda garoonka Camp Nou ku ciyaarta.

milkiilayaasha Inter ee Suning Group ayaa raadineya inay sameeyaan saxiixyo waa weyn si awoodii kooxda Inter Milan dib loogu soo celiyo.

Barcelona ayaa ka cabsi qabta in ay lumiso mucjisadeeda Messi oo aan wali saxiixin qandaraas cusub, halka weeraryahanka Atletico Antoine Griezmann bartilmaameed sare uu u yahay kooxda Manchester United.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/dalabyo-waali-ah-inter-milan-oo-xagaagan-lasoo-wareegeysa-lionel-messi-antoine-griezmann/">DALABYO WAALI AH: Inter Milan oo Xagaagan Lasoo Wareegeysa Lionel Messi & Antoine Griezmann</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *