<

Home » Horyaalada » Premier League » DAAWO: Wuu waalan Yahay – Tababare Conte oo dabaal deg waali ah sameeyay kadib goolkii Hazard

DAAWO: Wuu waalan Yahay – Tababare Conte oo dabaal deg waali ah sameeyay kadib goolkii Hazard

Tababare Antonio Conte ayaa ka yaabsaday taageerayaasha kooxdiisa kadib markii intii uu ka gudbay diilintii uu taagnaa uu orod ugu galay taageerayaasha

Markii uu arkay goolkii quruxda badnaa ee Eden Hazard dhaliyay ayuu macalinkan reer Italy waxaa uu sameeyay dabaal dag waali ah.

Weeraryahanka qaranka Belgium-ka ayaa dhaliyay daqiqiadii 53aad ee kulankii Arsenal kubad uu kasoo qaatay qadka dhexe isagoo la dhaafay daafacyada ugu badan ee Arsenal kadibna daba mariyay goolhaye Petr Cech.

Waxaase indhaha kaamirooyinka soo jiitay dabaaladii Stamford Bridge ee macallin Conte, maadaama uu ogsoon yahay muhiimada uu lahaa kooxdiisa goolkaas.

“Waa uu waalan yahay,” sidaas waxaa yiri tabiyaha Sky Sports ahna halyaygii Man United Gary Neville.

Chelsea ayaa haatan hogaanka horyaalka ku qabatay 12 dhibcood oo nadiif ah inkastoo ay wax iska badali karaan hadii ay badiyaan kooxaha kale ee kusoo xiga.

HOOS KA DAAWO GOOLKA HAZARD IYO DABAAL DEGA MACALIN CONTE IYO MILKIILAHA KOOXDA Roma

Dabaal dega Conte

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/daawo-wuu-waalan-yahay-tababare-conte-oo-dabaal-deg-waali-ah-sameeyay-kadib-goolkii-hazard/">DAAWO: Wuu waalan Yahay – Tababare Conte oo dabaal deg waali ah sameeyay kadib goolkii Hazard</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *