<

Home » Horyaalada » Cristiano Ronaldo oo ka shaqeynaya sidii uu Haidar Mustafa kula midoobi lahaa eheladiisa ku nool Magaalada London

Cristiano Ronaldo oo ka shaqeynaya sidii uu Haidar Mustafa kula midoobi lahaa eheladiisa ku nool Magaalada London

Sida ay soo warinayo wargeyska The Sun on Sunday, xiddiga Real Madrid  Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu isku dayi doonaa  inuu ka caawiyo inuu u dhaqaaqo dalka UK, wiil yar oo agoon ah una dhashay dalka ay colaaduhu rakaadiyeen ee Syria, waxaana lagu magacaabaa Haidar Mustafa.

Haidar Mustafa waa afar jir labdiisa waalid ku waayay magaalada lagu magacaabo Beirut ee dalka Syria, bishii December 2015-kii, kadib markii ay halkaas weerar ku qaadeen kooxda ISIS la magac baxday.

Haidar adeerkiis Mohammad iyo xaaskiisa, ayaa hadda ku nool magaalada London, waxaana la helayaa haatan la helayaa ehelada da’yarkan inay ku nool yihiin Britain.

Haidar Mustafa oo taageere u ah Real Madrid, ayaa waxa uu taageere weyn ka helayaa ciyaaryahanka haatan ugu wanaagsan kubadda cagta, ee Ronaldo, isagoo la hadlayay Sun ayaa wax laga weydiiyay wax ku saabsan Haidar inay u guuriyo adeerkiis oo ku nool, London, ayuu yiri:- “ aad ayaan ugu faraxsa nahay inaan maqlo, wax Haidar u wanaagsan, iyo waxa u wanaagsan mustaqbalkiisa, iyo halka laga yaabo inuu kusii noolaado, raac riyadaada, si adagna u shaqeey, si aad ugu sameyso soo laabasho dhab ah”, ayuu hadalkiisa kusoo koobay Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaana xusid mudan in Haidar Mustafa uu kula kulmay garoonka Santiago Bernabeu sanadii 2015, kadib musiibadii wiilkan yar qabsatay.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/cristiano-ronaldo-oo-ka-shaqeynaya-sidii-uu-haidar-mustafa-kula-midoobi-lahaa-eheladiisa-ku-nool-magaalada-london/">Cristiano Ronaldo oo ka shaqeynaya sidii uu Haidar Mustafa kula midoobi lahaa eheladiisa ku nool Magaalada London</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *