<

Home » Horyaalada » Premier League » Cashadii kooxda Arsenal oo lagu arkay laacib ay taageerayaasha Gunners aad u jecel yihiin, ma, ahan xiddiga aad moodo

Cashadii kooxda Arsenal oo lagu arkay laacib ay taageerayaasha Gunners aad u jecel yihiin, ma, ahan xiddiga aad moodo

Cashadii ay kooxda Arsenal xiddigaheeda ku cunayeen mid kamida baararka ku yaala Magaalada London, habeenkii Talaadadi ahayd, waxaa lagu arkay mid kamida laacib ay taageerayaasha Gunners ay iloobeen ee Yaya Sanogo.

Sanogo ayaa waxaa ugu danbeysay kubad uu ciyaaro, bishii April, tan iyo wixii intaas ka danbeeyana waxa uu ahaa xiddig dhaawac soo gaara, isagoona amaah ugu ciyaarayay kooxda heerka labaad Charlton Athletic.

Arsene Wenger ayaa sheegay in sababta uu u xiran la’yahay 23-sano jirkan funaanada Arsenal ay tahay dhaawacyo dhanka kubka ah oo uu qabo laacibkaan, waxaana ugu danbeysay inuu xirto funaanada kooxdiisa Arsenal bishii December 2014.

waxaana Sawirkaan soo dhigay bartiisa Twiter-ka ciyaaryahanka garabkja kaga ciyaara Arsenal Alex Ox-Chamberlain, waxaana si weyn uga war celiyay taageerayaasha Gunners oo arintaan si wey ugu farxay.

Balse Kaamirooyinka ayaa soo qabanayay Yaya Sanogo, istaagsan garabka daafaca Arsenal Laurent Koscieln, kooxda macalin Arsene Wenger waxa ay habeenka Sabtida la ciyaari doontaa, wareega afaraad ee FA Cup-ka naadiga Southampton, waxaana macquul ah in ciyaaryahanka Yaya Sanogo lagu magacaabo uu kasoo muuqdo kulankaas.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/cashadii-kooxda-arsenal-oo-lagu-arkay-laacib-ay-taageerayaasha-gunners-aad-u-jecel-yihiin-ma-ahan-xiddiga-aad-moodo/">Cashadii kooxda Arsenal oo lagu arkay laacib ay taageerayaasha Gunners aad u jecel yihiin, ma, ahan xiddiga aad moodo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *