<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » C.Ronaldo oo Lionel Messi ku garaacay Xidiga Ugu Mushaarka badan Caalamka – Xagee ayuuse ku jiraa ZLATAN?

C.Ronaldo oo Lionel Messi ku garaacay Xidiga Ugu Mushaarka badan Caalamka – Xagee ayuuse ku jiraa ZLATAN?

Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka ugu sareeya ee ugu mushaarka badan qiimeynta Forbes   aduunka

Ronaldo, oo kusoo guuleystay Champions League iyo Euro 2016 ayaa sanadkii lasoo dhaafay akoonkiisa ku shubtay lacag dhan  $88 million waxaana uu ka horeeyaa LeBron James, Lionel Messi iyo Neymar.

32 jirkaan ayayna warbixintu sheegtay inuu booskan kala baxay feeryahanka Floyd Mayweather iyo dhaawaca wiilka caanka ah ee Tiger Woods.

“Kadib markii uu Mayweather fadhiistay dhaawacyana soo gaareen waxaa furnaatay halka ugu sareeya liiska,” sidaas waxaa sheegay masuul katirsan Forbes.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “sanadkan, xidiga kubada cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka lacagta ugu badan helay, isagoo soo qaatay $88m oo uu mushaar ahaan ah 12kii bilood ee lasoo dhaafay

“Xidiga Real Ronaldo waxaa uu mushaar ahaan iyo guno ahaan sanadkii uqaataa $50m, inkastoo heshiiskiisa uu dhamaanayo 2018″.

Messi ayaa kaalinta labad ku jira, waxaana uu 7 milyan ka hooseeyaa Ronaldo, halka Neymar uu isna liiska kaga jiro 21-aad ($37.4), weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa ku jira kaalinta 23-aad ($37.4m) halka Gareth Bale uu isna ku jiro 25-aad ($35.9m).

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/c-ronaldo-oo-lionel-messi-ku-garaacay-xidiga-ugu-mushaarka-badan-caalamka-xagee-ayuuse-ku-jiraa-zlatan/">C.Ronaldo oo Lionel Messi ku garaacay Xidiga Ugu Mushaarka badan Caalamka – Xagee ayuuse ku jiraa ZLATAN?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *