<

Home » Qaramada » Burkina Faso & Cameroon oo gaaray Wareega Afar dhamaadka ee Koobka Afrika & Sadio Mane oo sabab u ahaa in qarankiisa uu haro

Burkina Faso & Cameroon oo gaaray Wareega Afar dhamaadka ee Koobka Afrika & Sadio Mane oo sabab u ahaa in qarankiisa uu haro

Qaranka Burkina Faso ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee usoo baxa wareega semi-fiinalka tartanka Afrikan Cup of nation kadib markii ay 2-0 kaga badiyeen xulka Tunisia.

Shan daqiiqo ayay labada gool ku dhaliyeen Burkina, waxaana daqiiqadii 81-aad goolka koobaad udhaliyay Aristide Bance  halka daqiiqadii 86-aad uu goolka labaad udhaliyay Nakoulma, ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 2 – 0.

Dhanka kale xulka Senegal ayaa ka haray tartankan kadib markii ay rigoorayaal uga badisay qaranka Cameroon.

Kulanka ayaa waqtigii loogu talagalay kusoo dhamaaday 0-0, taas oo qasab noqotay in lagu kala baxo rigoorayaal.

Min Shan rigoore oo loo dhigay labada qaran ayaa rigooradii ugu danbeysay waxaa qarankiisa ka qasaariyay weeraryahanka kooxda Liverpool Sadio Mane kaa soo rigoorada laga qabtay.

Ugu Danbeyn Cameroon ayaa kusoo baxday 5-4 rigoorayaal ah taas oo ka dhigan iney iska xaadiriyeen wareega afar dhamaadka ee tartanka.

burkina-fasos-midfielder-prejuce-nakoul

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/burkina-faso-cameroon-oo-gaaray-wareega-afar-dhamaadka-ee-koobka-afrika-sadio-mane-oo-sabab-u-ahaa-in-qarankiisa-uu-haro/">Burkina Faso & Cameroon oo gaaray Wareega Afar dhamaadka ee Koobka Afrika & Sadio Mane oo sabab u ahaa in qarankiisa uu haro</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *