<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Wayne Rooney oo Talaabo yar ujira inuu Noqdo xidiga ugu mushaarka badan caalamka

BreakingNews: Wayne Rooney oo Talaabo yar ujira inuu Noqdo xidiga ugu mushaarka badan caalamka

WAYNE ROONEY ayaa diyaar u ah inu ka tago Manchester United dhamaadka xili ciyaareedkan isagoo ku biiri doona horyaalka shidan ee China.

Koox ka dhisan bariga fog  ayaa mushaar dhan £1MILLION ubalan qaaday kabtanka kooxda Man United si uu xagaagan ugu biiro.

Inuu ku biiro horyaalka China ayaa ka danbeysay kadib markii uu wax dalab ah ka waayay kooxaha ka dhisan aalka dalka Mareykanka.

Kabtanka Manchester United iyo qaranka England ayaa haatan ay uga soo dhamaaneysaa waayihiisa garoonka Old Trafford.

31 jirkaan Rooney ayaa ubaahan kulamo yar oo uu ciyaaro si uu udheereysto rikoorka dhanka gooldhalinta ah ee kooxda Man United.

Hadii  uu xidigan ku biiro  horyaalka China waxaa uu si fudud ku noqon doonaa xidiga ugu mushaarka badan caalamka.

table-highest-salaries-rooney

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-wayne-rooney-oo-talaabo-yar-ujira-inuu-noqdo-xidiga-ugu-mushaarka-badan-caalamka/">BreakingNews: Wayne Rooney oo Talaabo yar ujira inuu Noqdo xidiga ugu mushaarka badan caalamka</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *