<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » BreakingNews: Verratti, Marquinhos & Matuidi oo ka tagaya PSG & PSG oo halis ugu jirta in la ganaaxo

BreakingNews: Verratti, Marquinhos & Matuidi oo ka tagaya PSG & PSG oo halis ugu jirta in la ganaaxo

Kooxda PARIS SAINT-GERMAIN ayaa lagu qasbayaa iney iska iibiyaan ku dhawaad 6 ciyaaryahan oo kooxda koobaad ah sababo la xariira dhanka dhaqalaaha.

Wararka France kasoo baxaya ayaa sheegaya in kooxda haysata horyaalka Ligue 1-ka ay halis ugu jirto in lagu ciqaabo dhanka dhaqaalo wanaagsan kadib saxiixyadii ay sameysay bisha January ee ah Julian Draxler iyo Goncalo Guedes.

Xidigii Wolfsburg Draxler ayaa lacag dhan £34million uga soo tagay kooxda France ka dhisan halka bartilmaameedkii  Manchester United Guedes uu lacag dhan £25m uga soo tagay Benfica.

PSG ayaa sidoo kale lacag badan xili ciyaareedkan kula soo saxiixatay £28m – Grzegorz Krychowiak iyo £21m – Jese Rodriguez.

Ciyaarayahanada ay iska iibin doonto kooxdan waxaa kamid noqon doona Marco Verratti iyo Marquinhos oo lala xariirinayo kooxaha Chelsea, Inter Milan iyo Juventus

Sidoo kale Blaise Matuidi iyo Adrien Rabiot ayaa tagi doona, waxaana lala xariiri donaa  Juventus.

Ciyaaryahanada kale ee albaabada loo furayo waxaa kamid ah Javier Pastore iyo Hatem Ben Arfa oo ay kala doonayaan kooxaha AC Milan iyo Roma.

Si kastaba, PSG ayaa sidoo kale lumineysa qaar kamid ah ciyaaryahanadeeda waa weyn waxaase xili hore ka tagay David Luiz, Lucas Digne iyo Benjamin Stambouli oo ay ku heshay lacag dhan £50million.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-verratti-marquinhos-matuidi-oo-ka-tagaya-psg-psg-oo-halis-ugu-jirta-in-la-ganaaxo/">BreakingNews: Verratti, Marquinhos & Matuidi oo ka tagaya PSG & PSG oo halis ugu jirta in la ganaaxo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *