<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » BreakingNews: TV soo Bandhigay Hadalo Aflagaado ah oo uu C.Ronaldo kula kacay Taageerayaashii Real ee ku ooriyay

BreakingNews: TV soo Bandhigay Hadalo Aflagaado ah oo uu C.Ronaldo kula kacay Taageerayaashii Real ee ku ooriyay

TV-ga Cuatro ayaa shaaca ka qaaday hadalkii Cristiano Ronaldo uu ugu jawaabay taageerayaashii ku ooriyay kulankii ay  Real Madrid axadii ka badisay Real Sociedad.

Daqiiqadii 23-aad ee kulankaas ayaa qeyb kamid ah garoonka ay taageerayaasha ugu ooriyeen xidigan qaranja Portugal kadib markii uu dhowr mar kubada lumiyay

JAWAABTII UU BIXIYAY CR7 KADIB

Sida uu muujiyay TV-ga Cristiano ayaa umuuqda mid ujawaabaya taageerayaasha ku fooriyay isagoo adeegsanaya jumlad luuqada Spain ah taas oo ah”hijos de puta” marka AfSomali loo badana ah (“Wiilashii dhilooyinka”), kadibna waxaa uu isla markaas ubadalay afka portugal.

Cuatro ayaa sidoo kale qabatay C.Ronaldo isagoo ku hadlaya erayo kale oo aad u adag “vai tomar no cu!” (marka Ingiriis loo tarjumana ay tahay “f**k off”), kadibna waxaa uyimid kabtanka kooxdaas Sergio Ramos kaas oo dajiyay

1485791408_284539_1485791466_noticia_normal

Daqiiqado kadib Cristiano ayaa la arkayay isagoo kor ufiirinaya taagerayaasha isla markaana madaxa uluxaya.

Xaalada ayaase degtay kadib markii kabtanka Portugal uu caawinaad qurux badan ka sameeyay goolkii koobaad ee uu dhaliyay Mateo Kovacic qeybtii hore, halka uu sidoo kale dabaal deg xoogan sameeyay markii uu isna markiisa shabaqa soo taabtay qeybtii danbe.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 iyadoo Morata uu dhaliyay goolkii sedexaad, taageerayaasha ayaana kaliya dhibane uusan u aheyn C.Ronaldo, ee waxaa sidoo kale ay ku ooriyeen Benzema iyo Danilo oo qaab ciyaareedkii ugu xumaa dhexda uga jira.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-tv-soo-bandhigay-hadalo-aflagaado-ah-oo-uu-c-ronaldo-kula-kacay-taageerayaashii-real-ee-ku-ooriyay/">BreakingNews: TV soo Bandhigay Hadalo Aflagaado ah oo uu C.Ronaldo kula kacay Taageerayaashii Real ee ku ooriyay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *