<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » BreakingNews: Tababare Enrique oo dalbaday Goal-line technology, Neymar oo ku qoslay Garsooraha, Suarez & ter Stegen oo iyagana hadlay

BreakingNews: Tababare Enrique oo dalbaday Goal-line technology, Neymar oo ku qoslay Garsooraha, Suarez & ter Stegen oo iyagana hadlay

Tababaraha Kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa ugu yeeray xariirka kubada cagta Spain iney isticmaalaan barnaamijka goal-line technology kadib markii kooxdiisa laga diiday gool muuqda kulankii ay bar bardhaca 1-1 ah la galeen naadiga Real Betis xili ay hogaanka La Liga kala wareegi lahaayeen Real Madrid.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa aragtay banooniga oo dhaafay diilinta goolka isla markaana uu shabaqa gudahiisa kasoo celinayo daafaca Betis Cristiano Piccini.

Luis Suarez ayaa daqiiqadii 90-aad goolka bar bardhaca ah udhaliyay kooxdiisa si ay cadaadiska ugu sii hayaan kooxaha ka koreeya ee Real Madrid iyo Sevilla.

skysports-lionel-messi-luis-suarez-barcelona-real-betis_3880226

“Waxaan arkayay sawirada, laakiin garsoraha waxaa uu ubaahan yahay caawinaad, xataa hadii ay ahaan laheyd barnaamijka gool sheegtada (goal-line technology) ama wax walba oo lagu daaweyn karo dhaawaca hada ina haysta oo kale,” Enrique ayaa sidaas ciyaarta kadib sheegay.

Agaasimaha kooxda Barcelona  Javier Bordas ayaa dhanka kale sheegay in horyaalka Spain ay qasab ku tahay iney raacaan wadada horyaalada kale Yurub si arimahaan looga hortago.

“Aad ayaan uga xunahay ugana wal walsanahay waxaana ay aheyd in kubada cagta maanta aan haysano barnaamijka goolsheega, waxaana haatan laga isticmaalaa dal walba oo kubada cagta ah,” agaasimaha ayaa sidaas usheegay  BeIN Sports.

neymar-insta2-1485697285897

NEYMAR OO ISNA KA HADLAY ARINTAN

Weeraryahanka Barcelona iyo qaranka Brazil Neymar ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka kubada oo dhaaftay diilinta isla markaana gudaha laga soo celinayo

Isagoo ka xanaaqsan go’aanka uu garsooraha qaatay ayuu fariin ah “HAHAHAHAHA” soo raacsiiyay sawirka goosha la diiday, qeyb kale oo muuqaal uu soo dhigey ahayd ayaa dhanka kale waxaa uu sheegay in rigoore laga diiday kooxdiisa.

neymar-insta-1485697285511

SUAREZ OO OO ISNA HADLAY

Luiz Suares ayaa isna ka hadlay arintan waxaana uu yiri “Midkii koobaad banooniga waxaa uu wax ka badan hal mitir dhaafay diilinta laakiin garsoorka sido kale waa ay sameyn karaan qalad,”

Xidigan oo dhaliyay goolkiisii 16-aad ee horyaalka ayaa hadalkiisa ku daray “Sawirada ayaa xaqiijinaya inuu gool ahaa, aad ayay inoo dhaawaceysaa anaga maxaa yeelay muhiimadeena waxaa ay aheyd inaan badino si aan cadaadis usaarno kuwa naga sareeya”

skysports-luis-suarez-barcelona_3880196

Goolhaya Barca oo isna ka hadlay goolkii laga diiday

Goolhayaha Barcelona iyo qaranka German Marc-Andre ter Stegen ayaanan wax badan ka hadlin kulankii 1-1 ay la galeen  Real Betis.

“Ma jecli inaan ka hadlo arinta garsoorayaasha, waa bini’aadan anaga oo kala ah, kulankase waxaa uu kusoo dhamaaday bar bardhac, waana waxii dhici lahaa, waxaase uu ahaa kulan adag, Betis si wanaagsan ayay uciyaartay waxaa ay naga aamusiyeen meel walba”

 

 

Si kastaba, kooxda Barcelona ayaa bar bardhacan waxaa ay uga dhigan tahay iney wali sugto fursadeeda si ay Real Madrid ugala wareegto hogaanka horyaalka.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-tababare-enrique-oo-dalbaday-goal-line-technology-neymar-oo-ku-qoslay-garsooraha-suarez-ter-stegen-oo-iyagana-hadlay/">BreakingNews: Tababare Enrique oo dalbaday Goal-line technology, Neymar oo ku qoslay Garsooraha, Suarez & ter Stegen oo iyagana hadlay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *