<

Home » Horyaalada » Bundesliga » BreakingNews: Tababare Carlo Ancelotti oo fariin udiray macalinka ku dhibtoonaya Man City ee Pep Guardiola

BreakingNews: Tababare Carlo Ancelotti oo fariin udiray macalinka ku dhibtoonaya Man City ee Pep Guardiola

Carlo Ancelotti ayaa uga digay tababare Pep Gaurdiola inuu ubaahan yahay waqti dheer si uu ula qabsado kooxda Manchester City.

Kadib 10-kiisii kulan ee ugu horeysay ee dhamaan tartamada uu guuleystay, Guardiola ayaa haatan la dhibtoonaya nolosha Etihad.

City ayaa haatan horaalka kaga jirta kaalinta shanaad waxaana ay labo dhibcood ka hooseysaa naadiga kaalinta afaraad ee Liverpool halka ay hogaamiyaasha Chelsea ka hooseyso 12 dhibcood

Tababarihii hore ee Chelsea Ancelotti kaas oo Guardiola ka badalay shaqadii Bayern Munich, ayaa sheegay in tababarahan reer Spain uu waqti ubaahan yahay si uu u guuleysto.

pep-giardiola-catlo-ancelotti-main

“Waxaa uu soo haystay ciyaaryahano kala duwan, dadka qaarna ma fahansana micnaha arintaas” Ancelotti ayaa sidaas yiri.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray “Dhibaato walba oo uu wajahayo waxaa ay ila tahay inuu ushaqeynayo si adag waxaase wax walba ay ku qaadan doonaan waqti”

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa yiri “Waxaa ay ila tahay waxa ugu weyn ee ay tahay inuu diirada saaro ayaa ah inuu la qabsado kubada cagta Ingiriiska”.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-tababare-carlo-ancelotti-oo-fariin-udiray-macalinka-ku-dhibtoonaya-man-city-ee-pep-guardiola/">BreakingNews: Tababare Carlo Ancelotti oo fariin udiray macalinka ku dhibtoonaya Man City ee Pep Guardiola</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *