<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Tababaraha Chelsea oo Shaaca ka qaaday inuusan Hilmaamin Guuldaradii Arsenal – Muxuuse ka yiri Kulanka Beri?

BreakingNews: Tababaraha Chelsea oo Shaaca ka qaaday inuusan Hilmaamin Guuldaradii Arsenal – Muxuuse ka yiri Kulanka Beri?

Antonio Conte ayaa qirtay sida uu wali uga xun yahay guuldaradii  3-0 aheyd ee Chelsea kasoo gaartay Arsenal bishii  September waxaana uu sheegay in wali ay ciyaaryahanadiisa ku jirto maskaxdooda.

Chelsea ayaa kasoo kabsatay guuldaradii Emirates, iyadoo kaliya hal kulan laga badiyay wiilasha macalin Mourinho kadib dhibaatadii kasoo gaartay Arsenal, waxaana ay badiyeen 15 kulan oo kamid ah 17-dii kulan ee ay ciyaareen

“Guuldaradaan waxaa ay umuuqataa mid dheer, laakiin mida muhiimka ah ayaa ah in Arsenal ay inooga badisay natiijo xun oo ah 3-0 waliba qeybtii hore , waana mid aanan ilaa haatan ka go’eyn maskaxdeyda”ayuu yiri tababare Conte.

banner-antonio-conte-chelsea-arsenal-presser

Macalinka reer Italy ayaase sheegey inuu doonayo inuu ka aarsado Arsenal kulanka beri oo sabti ah “waxaan rajeynayaa in sidoo kale ciyaaryahandeyda ay maskaxdooda ku jirto, beri waan hubaa kulankan waxaa uu noqon doonaa mid adag, waxaana ay ila tahay inuu xasuus muhiim ah unoqon doono kulankii koobaad ee Arsenal, wax badan ayaana haatan isbadalay.

arsenal-v-chelsea-1

Antonio Conte ayaa yiri “Laakiin waxaan hubaa, waxaan nahay koox waxaana dooneynaa inaan kulan wanaagsan beri soo bandhigno, oo aan isku dayno inaan ka badino Arsenal”.

“Waxaan ku ciyaareynaa gurgeena, waxaan haysanaa taageerayaasheena oo wax badan inaga caawin kara, arimahan darteed waxaan udooneynaa inaan kulan wanaagsan uciyaarno oo aan badino, laakiin waa kulan adag, waxaase qasab ah inaan uciyaarno si taxadar leh.”ayuu yiri Conte.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-tababaraha-chelsea-oo-shaaca-ka-qaaday-inuusan-hilmaamin-guuldaradii-arsenal-muxuuse-ka-yiri-kulanka-beri/">BreakingNews: Tababaraha Chelsea oo Shaaca ka qaaday inuusan Hilmaamin Guuldaradii Arsenal – Muxuuse ka yiri Kulanka Beri?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *