<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Taageero kubada cagta ah oo Mindi lagu dilay Kenya xili ay socotay Ciyaartii Man City & Tottenham

BreakingNews: Taageero kubada cagta ah oo Mindi lagu dilay Kenya xili ay socotay Ciyaartii Man City & Tottenham

Taageero kubada cagta ah ayaa noloshiisa la dhaafiyay kadib ciyaartii dhexmartay kooxaha  Tottenham Hotspur vs Manchester City ee horyaalka Ingiriiska ah

Taageerahan oo Kenyan ah ayaa waxaa toorey ama mindi ku dilay nin kale oo ay murmeen sidaas saxaafada ayaa sheegeysa.

Shilkan ayaa dhacay sabtidii lasoo dhaafay oo aheyd 21-kii Janyary, waxaana uu ka dhacay baar lagu magacaabo Maringo.

Taageerahan ayaa dhowr mar la midiyeeyay, waxaana mididaas la dhacay nin kale oo ay isla daawanayeen ciyaarta.

Goob joogayaal ayaa shegay in dagaalka labada nin uu bilowday xili ay daawanayeen kulankii dhexmaray kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester City.

Sargaal uhadlay saldhiga booliska deegaanka Buru Buru ayaa xaqiijiyay shilkaan isagoo sheegay in ninkii dilka geystay uu baxsaday.

Meydka ninka la dilay ayaa goobta laga qaaday, waxaana shilkan uusan aheyn markii ugu horeysay ee daawashada kubada cagta ay dil sababto gudaha dalka Kenya.

HOOS KA DAAWO CIYAARTII KEENTAY IN LA ISDILO

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-taageero-kubada-cagta-ah-oo-mindi-lagu-dilay-kenya-xili-ay-socotay-ciyaartii-man-city-tottenham/">BreakingNews: Taageero kubada cagta ah oo Mindi lagu dilay Kenya xili ay socotay Ciyaartii Man City & Tottenham</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *