<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Macalin Klopp oo xanaaq dartiis 26 Milyan kula soo wareegaya qad dhexe ka ciyaara Roma

BreakingNews: Macalin Klopp oo xanaaq dartiis 26 Milyan kula soo wareegaya qad dhexe ka ciyaara Roma

Kooxda LIVERPOOL ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa qadka dhexe ee Roma Leandro Paredes iyadoo macalin Klopp uu doonayo inuu isbadal weyn sameeyo.

Naadiga funaanad gaduuda ayaa la filayaa iney £22.5million  oo dib looga darayo £4million ku dalbato 22-jirkaan qadka dhexe.

Xidigan qaranka Argentine ayaanan boos joogta ah ka haysan shaxda macalin Luciano Spalletti ee kooxda Roma tan iyo markii uu shaqadaas la wareegay.

Naadiga Roma ayaa dooneysa iney lasoo saxiixdaan qadka dhexe ee Atalanta Franck Kessie inkasto ay tartan kala kulmeyso Chelsea.

Roma ayaa qorsheyneysa iney Paredes ku hesho lacag dhan £22million si ay ugu fududaato iney lasoo saxiixato Kessie.

Ma ahan Liverpool kaliya kooxaha Ingiriiska ee doonaya 22 jirkaan, waxaa sidoo kale xiiseynaya kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Man United.

Klopp ayaa rajeynaya in imaashaha Paredes uu wax weyn ka badali karo kooxdiisa kadib sedex kulan oo isku xiga oo laga badiyay.

Liverpool ayaa guuldaro 3-2 ah kala kulmay Swansea halka Southampton iyo Wolves ay ka ciribtireen koobabka League Cupka iyo FA Cup-ka.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-macalin-klopp-oo-xanaaq-dartiis-26-milyan-kula-soo-wareegaya-qad-dhexe-ka-ciyaara-roma/">BreakingNews: Macalin Klopp oo xanaaq dartiis 26 Milyan kula soo wareegaya qad dhexe ka ciyaara Roma</a>

One Response to BreakingNews: Macalin Klopp oo xanaaq dartiis 26 Milyan kula soo wareegaya qad dhexe ka ciyaara Roma

  1. mohamed Reply

    January 29, 2017 at 10:46 am

    hhhhhhhhh klopp wait mane will come soon dont worry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *