<

Home » Horyaalada » Premier League » BreakingNews: Kooxda Man United oo Rooney u ogolaaneysa inuu 140 Milyan mushaar ahaan uhelo – Kooxda uu aadayo & Xiliga uu baxayo

BreakingNews: Kooxda Man United oo Rooney u ogolaaneysa inuu 140 Milyan mushaar ahaan uhelo – Kooxda uu aadayo & Xiliga uu baxayo

Kooxda Manchester United ayaa diyaar u ah iney Wayne Rooney u ogolaato inuu ku biiro horyaalka China bisha soo socota

Kabtanka Kooxda Man United iyo qaranka England ayaa waxaa miiska usaraan heshiis uu lacag badan uga heli karo China, taas oo soo gaba gabeyneysa 17 sano oo uu ku sugnaa Old trafford

Tiro kooxo Chine ka dhisan ayaa doonaya iney lasoo saxiixdaan Wayne Rooney, kaas oo sedex sano ku heli kara mushaar dhan £140million.

Lacagtaas ayaa ah mid ka yar mushaarkii ahaa  £1million todobaadkii taas oo koox China ka dhisan usoo bandhigtay sida uu sheegay Wargeyska The Sun, laakiin Rooney ayaa xidiga aduunka ugu mushaarka badan kala wareegi doona Carlos Tevez hadii uu mushaar dhan £650,000 helo.

main-wayne-rooney-shanghai-shenhua-badge

Wargeyska Mirror Sport ayaa ogaanaya in macalin Jose Mourinho uu xidigan albaabada ufuray si uu ugu biiro horyaalka bariga fog.

Suuqa kala iibsiga Yurub ayaa xirmi doona habeenka talaadada ah, halka horyaalka lacagta badan ee China uu suuqiisa xirmi doono 28 ka bisha February, taas oo cabsi gelineysa kooxaha horyaalada Yurub

Afarta todobaad ee soo socota ayaa la qorsheynayaa in Rooney uu dhameystiro inuu ku biiro horyaalka China si uu uga mid noqdo xidigaha waa weyn ee horyaalkaas aaday

Rooney ayaa la fahansan yahay inuu ku biiri karo midkood kooxaha Shaghai ama Beijing  kuwaas oo diyaar u ah iney mushaarkiisa bixiyaan.

Si kastaba, Rooney oo 119 kulan usaftay qarankiisa ayaa horyaalka China la aadaya rikoorkii ahaa xidiga ugu goolasha badan Man United iyo qaranka Ingiriiska

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/breakingnews-kooxda-man-united-oo-rooney-u-ogolaaneysa-inuu-140-milyan-mushaar-ahaan-uhelo-kooxda-uu-aadayo-xiliga-uu-baxayo/">BreakingNews: Kooxda Man United oo Rooney u ogolaaneysa inuu 140 Milyan mushaar ahaan uhelo – Kooxda uu aadayo & Xiliga uu baxayo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *